waxaa dhawaan la magaacabay maamul cusub oo uu yeelan doono gobolka Hiiraan badalkeedana waxaa gabi ahaanba xilka laga xayuubiyey raggii hore maamulka u haayey.
mas,uuliyiinta Cusub ee la magaacabay ayaa dhamaantood ah kuwa ku cusub siyaasadda gobolka iyadoo Isbadal weyn uu ku dhacay Guud ahaan maamulkii gobolka.
Shabakadda baahisa wararka qarsoon ee xaqiiqonews ayaa heshay dhamaan beelaha ay ka soo jeedaan Mas,uuliyiinta la magaacabay.
hadaba qeybta hoose ka aqi magacayada ragga la magacaabay iyo beelaha ay ka soo jeedaan.
1_gudoomiyaha gobolka waxaa loo magaacabay cumar ibaarhim baadiyow oo ka soo jeeda beesha xawaadle gaar ahaan Cabdalle
2_gudoomiye ku xiggeenka siyaasadda maslax Mohamed osmaan Gaaljecel dirisame
3_cabdrashiid sheikh cali waxaa loo magaacabay gudoomiye ku xigeenka maaliyadda waa jajeele
4_gudoomiye Ku xigeenka arimaha bulshada waxaa loo magaacabay Sheikh Xuseen oo ah Jareer weyne makane
5_gudoomiyaha degmada waxaa loo magaacabay cabdi xeefow oo ah Gaaljecel abtisame
6_Duqa magaalada waxaa loo magaacabay cali dhuux mahad alle oo ah xawaadle cali madaxweye
hadaba marka la fiiriyo liiks kore waxaa muuqdo is badal cusub iyadoo dhamaan ragga la magaaacabay ay u badan yihiin kuwa ku cusub siyaasadda gobolka hiiraan ayaa hadana dhanka kale waxaa jira is badal ku dhacay jagooyinka qaarkood.