CAYAARAHAFalanqeyn..Ciyaartii Soomaaliya Iyo Cumaan

Falanqeyn..Ciyaartii Soomaaliya Iyo Cumaan

-

Ciyaar ka tirsaneyd ciyaar dhamaadyada loogu gudbaayo Koob Fifa Arab Cup ayaa dhax martay xulalka Soomaaliya iyo Cumaan, kulankaasi oo ku soo dhamaaday 1-2 oo ay guushu ku raacday Cumaan.


XAQIIQO NEWS- CIYAARAHA

Daqiiqadihii hore ee ciyaarta xulka Soomaaliya ayaa u muuqday kuwa bandhigoodu ciyaareed uu ahaa mid “liito”.

Goolashii Cumaan

Daqiiqadii 10, aad, qalad uu galay goolhaya xulka qaranka Soomaaliya ayaa u ogaalatay ciyaaryahanada Cumaan in ay gool kaga naxsadaan xidigaha Badweynta.

Qasaani ayaana shabaq Soomaaliya soo taabsiiyey kubadda, banooni uu soo tufay goolhaye Mustafa, oo xulka qaranka kaga soo biiray Sweden.

Isla qeybtii hore ee ciyaarta, mar kale qalad xagga goolahaya ah ayaa sababsaday in Cumaaniyiinta ay helaan Gool ku laad, waxa ayna qeybta hore ee ciyaarta ku dhamaatay 0-2 oo ay ciyaartu ku hogaaminaayey xulka Cumaan.

Guusha Soomaaliya

Inkastoo xulka qaranka uu ka haray tartanka, haddana waxa ay qeybtii dambe ee ciyaarta muujiyaan wacdaro, waa arinta abuurtay in taageerayaasha Cumaan ay wadnaha farta ku qabtaan.

Qeybta dambe ee ciyaarta waxaa milkiyadda garoonka qaadatay Soomaaliya oo daqiiqadii 53’aad gool qurux badan kaga fajacisay taageerayaasha Cumaan.

Ciyaar yahan Abel Gigle ayaa quluubta taageerayaasha Soomaaliya ku soo celiyey rajo, markii gool madax ah oo qurux badan oo sii raaciyey kubad si cajiib ah uu u soo laaday weeraryaha Cabdullaahi.

Daawo

Waa Kanaa Goolkii Somaliya dhalisay oo ahaa mid cajiib ah oo qurux badan 🇸🇴 daawo

Posted by Idris Alteeso on Sunday, June 20, 2021

Maxaa Xigga?

Kabtanka xulka qaranka Soomaaliya oo la hadlay Tilifihinka Fifa ayaa xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ka dalbaday in xidigaha xulka loo sameeyo ciyaaro saaxibtinimo.

Xulka qaranka Soomaaliya aya lagu dhaliilaa in uusan laheyn ciyaaryahano diwaangashan iyo kulumo joogto ah, iyadoo oo ciyaartooyda laga soo aruuriyo meelo kala duwan maalmo un ka hor kulanka.

Sanadkii 2019 ayaa ugu dambeysay wax ciyaar ah rasmi ah xulka “Xiddigaha Badweynta”, waana mid ka mid ah caqabadaha looga fadhiyo in xiriirka uu wax ka badalo.

Dhanka kale ciyaartooyda xulka ayaa u baahan “tababar maskaxeed” waxaana kubadooda ka muuqata “kalsooni darro” wallow qeybtii dambe ee ciyaarta xalay ay arintaasi dib u saxeen.

Wararka U Dambeeyey

Qadar Oo Ka Niyad Jabsan Sida Mareykanka Uga Aamusanyahay Dalabkeedii Beeca Diyaaraha

Sida ay daabacday majaladda "Wall Street Journal" ee Ameerikaanka ah dowladda yar ee gacan carbeed dhacda Qadar ayaa ka...

Falanqeyn..Icj Waxa Ay Sameysay Xal Mise Xaq

Maxakmadda cadaaladda QM ayaa go'aan ka soo saartay muran badeedka Soomaaliya iyo Kenya, go'aanka Maxkmadda ayaana ahaa mid...

Maxaa Dhici Kara Go’aanka Icj Ka Dib?

Sida balantu tahay go'aanka maxkamadda Icj ee ku saabsan muran Somaaliya iyo Kenya ayaa lagu dhawaaqi doonaa maalinta taladaada...

Imaaraatka Oo Iktishaaf Cusub Ku Sameeyey Meeraha Mars

Madax sare oo ka tirsan dowladda Imaaraatka ayaa baraha bulshada ku baahiyey iktishaafaat cusub oo Misbaarka Rajada ee Imaaraatka...

Safiirka Sacuudiga Ee Soomaaliya Waa Soomaali!

Dowladda Sacuudiga ayaa safiirkeeda Soomaaliya u magacaawday Axmed Maxamed Oo ka mid ahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed Ee Sacuudiga ku nool. XAQIIQO...

Maxaa Keenay In Waqtigan Radio Muqdisho Af-Taliyaani Lagu Baahiyo?

Markii ugu horeysay muddo sano ka dib, idaacadda dowladda ay leedahay ee Radio Muqdisho ayaa lagu tabin doonaa af-Taliyaani...