XOG CULUS: qaabkee ayey u baahiyaan afkaartooda kooxda Al-saadicuun bil xaq#aqriso xog cusub

La Wadaag Asxaabtaada

[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’rectangle’]
Jaamacada cusub ee al-saadicuun bil xaq ayaa u badan rag aqoonyahanno ah oo shacbiyad badan ku dhax leh bahda waxbarashada gaar ahaan jaamacadaha, sidaa darteed waxaa u sahlan xubnaha kooxdani in ay si dhib yar afkaartooda u gudbiyaan ardayada ay wax barayaan.
si wax badan loo ogaado qaabka iyo waddooyinka ay u maraan gudbinta afkaartooda ayaa shabakadda xaqiiqonews oo baarta wararka qarsoon wax ay dabagal dheer ku sameysay hanaanka wax gudbinta ee xubnaha al-saadicuun bil xaq.
waxaana shabakadda xaqiionews u suurta gashay in ay wareeysato xubno ka tirsan al-saadicuun bil xaq iyo waliba arday loo soo bandhigay in ay fikirkaasi qaataan waxaana jira habab badan oo ay kooxdu isticmaasho balse waxaan aan ku soo uruurin karnaa qodobada hoose
1_BARNAAMIJKA DAD KA DHIGISTA.
waa mid ka mid ah hababka ugu fududee kooxdu isticmaasho macalinka fikir gudbiyaha ayaa ogeysiinaya ardaydiisa in uu jiro barnaamij qofka lagu dhisaayo aqoontiisa iyo dadnimadiisa waxaana ardayga doorto in uu barnaamijkani ku soo biiro la siinaayaa muuqaalo duuban iyo filimaan ka turjamaya xaqiiqada islaamka islamrkaana kor u qaadaya aqoonta qofka sida ay iyaga aaminsanyihiin, waxaana barnaamijkani uu ka dhaqangalay dhowr mar oo sii horreysay jaamacadda jaziira iyadoo ardayda ay kuu sheegayaan in dhowr mar ay ogeeysiis kala kulmeen macalimiin badan iyadoo aradaydii ogeysiiskaasi ka faa,ideystayna la arkay iyagoo xubno ka noqday kooxda.
2-WARBAAHINTA
inkastoo kooxda ay tahay mid cusub waxaa jira meelo badan oo ay ka baahiyaan fikirkooda ka soggow ardayda iyo fasalada oo fikirka lagu gudbiyo ayaa kooxdu wax ay u baahatay in y helaan dad ka baxsan bahda waxbarashada taasi oo ku qasabtay in kooxdu isticmaasho baraha bulshada iyo aaladaha kale ee wax lagu gudbiyo waxaana jiro xubno firfircoon oo jamaacada ka tirsan oo si joogto ah internet-ka macluumaad u soo geliya.
3- KU CELCELINTA
kooxdani ayaa isticmaala wax loo yaqaano ku”ku celceli si laguu aamino” ka dib markii ay mucaaradad adag kala kulmeen jaamaacadaha kale ee saaxadda kaga soo horreeyey balse wali kooxda kama caajisin fikirkooda wax ayna mar walbo ku celceliyaan muxaadaraadkoodii ciwaankoodu ahaa “xaqiiqada islaamka” waxay ayna aaminsanyihiin falsafadda ah”كرر كرر حتى يثقون بك” oo micnaheedu tahay”ku celceli ilaa ay ka aaminaan”
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada