XOG CULUS: Waa Kuma Amos Gilead Safiirka Israel Ee Somalia u fadhiisan doona?

-

Warbixino lagu qoray afka Cibraaniga ayaa shaaca ka qaaday damaca ra’iisal wasaaraha israel Benjamin Netanyahu uu doonaayo in uu xariir wanaagsan la yeesho wadamada bariga afrika gaar ahaan qaranka somalia oo waligiisa aan aqoonsain waxaa loogu yeero israel.

Warbixin lagu daabacay Wesite-ka afka cibraaniga ah ku hadla ee ‘Recht Kahn” islmarkaana ay soo tarjuntay shabakadda baahisa wararka qarsoon ee xaqiiqonews ayaa tilmaameysa in damacani uu daba joogo kulan Nairobi ku dhexmaray Benjamin Netanyahu iyo xasan sheikh maxamud madaxweynihii hore ee somalia kulankaasi oo uu wargeyska ku tilmaamay mid kii ugu horeeyey ee noociisa ah oo dhaxmara labada dal.

Websiteka ayaa walaac ka muujiyey isku soo dhawaanshahan isagoo somalida ku tilmaamay dad boqolkiiba boqol suni muslimiin ah waxaana sidoo kale uu sheegay in somalia ka tirsantahay jaamacadda carabto oo uu ku tilmaamay in ay caqabad ku tahay xariirkan cusub.

hadaba Waa kuma Amos Gilead safiirka israel ay dooneyso in ay somalia u soo magacaawdo ?!

Sida uu qoray website-ka ‘Recht Kahn” ayna soo tarjumayso shabakadda xaqiiqonews israel ay dooneyso in Amos Gilead oo ahaa sarkaal ciidan laga dhigo safiirka somalia.

Amos Gilead waxa uu ku dhashay magaalada Haifa sanadkii 1951-kii waxa uuna ka soo jeedaa qoys xagjir ah oo yahuudi ah waana general ka tirsan ciidamada Israel ee weerarka ku qaaday Lebnaan sanadihii 1982-1983 waxaa uuna qeyb ka ahaa xasuuqii Israel ay ka geysatay xerooyinkii falastiiniyiinta ee Sabra iyo Shatila.

hadaba lama oga sida ay ku rumowi karto riyada Israel balse DF-ka ayaa xariir wanaagsan la leh wadamada galbeedka sida mareykanka iyo Britain waxaana laga yaabaa in xariirkaasi uu qeyb ka qaato isku dhawaanshaha labada dal ee Israel iyo Somalia.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...