XOG CUSUB: fanaan La ogaaday in uu ka Mid ahaa dadkii ku dhintay Qaraxii Wadajir

La Wadaag Asxaabtaada

Fannaankani da’da yar oo lagu magacaabo Axmed Qeys, ayaa kamid ahaa dadkii ku dhintay Qaraxii ka dhacay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

fanaanka, ayaa maalmo lagu raadinaayay nolo iyo geeri, waxaana markii danbe Meydkiisa laga sheegay Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Qoyska fanaanka geeriyooday oo socdaal aan hakat laheyn maalmahaani ku maraayay Isbitaalada Muqdisho, ayaa waxaa markii danbe ay maamulka Isbitaal Madiina u xaqiijiyeen geerida wiilkooda Fannaanka ahaa ee la oran jiray ”Fannaan Axmed Qeys”.

Qoyska oo markii hore nolol iyo geeri ku la’aa Axmed Qeys, ayaa waxa ay maamulka Isbitaalka ka heleen muuqaal iyo sawirro laga qaaday Axmed Qeys mudada uu ku jiray koomada ee uu soo gaaray dhaawaca cuslaa, waxaana cadeymahaasi lagu qanciyay qoyska Marxuumka.

Fannaan Axmed Qeys, ayaa xiliga Qaraxa ku sugnaa meel aan ka fogeyn goobta uu yiilay Gaariga Caasiga ah ee ku dhex Qarxay Degmada.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada