XOG CUSUB: Itoobiya oo Qorsheyneysa inay ciidamadeeda kala baxdo Degmo labaad oo muhiim ah

-

Dowladda Itoobiya ayaa la sheegay inay qorsheyneyso inay ciidamadeeda kala baxdo magaaladii labaad, kadib markii ay toddobaadkii hore ciidamadeeda kala baxday degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.
Wararka laga helayo Gobolka Bakool ayaa sheegay in ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan degmada Xudur ee xarunta maamulka gobolkaasi ay halkaasi ka wadaan dhaqdhaqaaq xoog leh oo laga shakiyay.
Saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan Xudur ayaa sheegay inay dareemeen diyaargarow iyo dhaqdhaqaaq aan caadi ahayn, inkastoo aan xog laga siin waxa ay damacsan yihiin ciidamada Itoobiya.
Dhaqdhaqaaqyada ciidamada Itoobiya ay aa ka socda gobollada Galgaduud, Gedo iyo Bakool, waxaana dowladda dalkaasi ay hore u sheegtay in ciidamada aan ka midka ahayn AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ay dib ula noqoneyso.
Dowladda cusub ee uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaan xiriir fiican la lahayn dowladda Itoobiya, waxaana suura gal ah in magaalooyin fara badan ay u gacan galaan xarakada Alshabaab marka ay banneeyaan Itoobiyaanka.
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!

Wararka U Dambeeyey

Guusha X S N M X M D

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa loo doortay madaxweynaha Soomaaliya doorasha ka dhacday teendhada Afisyooni ee magaalada...

Cilmi Baaris..Dhimashada Ka Dib Ishu 5 Saac Ayey Wax Sii Arki Kartaa!

Baaris lagu sameeyey indhaha dad dhintay oo horay xubnahooda ugu deeqay in cilmi baaris lagu sameeyo ayaa waxaa lagu...

Waa Kan Cudurkii Uu U Dhintay Xaakimka Imaaraatka SH. Khalifa Bin Zaayed

Waxaa geeriyooday Madaxweyihii Imaaraatka carabta Shiikh Khalifa Bin Zayed Aala Nahyaan oo ahaa 73 jir, sida ay shaacisay Wakaaladda...

Mar Hadey Doorasho Tahay Qof Walba In Uu Soo Baxo Filo

Qof walbo waxa uu filayaa soo bixitaanka musharixiisa uu jecelyahay, balse waxaan la iska indha tiri karin mar hadii...

Ruushka Oo Sheegay In 30 Daqiiqo Kaliya U Baahanyahay Si Uu U Burburiyo Dowladaha NATO!

Maamulaha wakaaladda hawada sare u qaabilsan Ruushka ninka lagu magacaabo Dmitry Rogozin ayaa sheegay in dalkiisa u baahanyahay oo...

Doorashada 15-ka May..Maxaa Ugu Muhiimsan?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:15-ka bishan aynu ku jirno ee May, waxaa lagu wadaa in la qabto doorashada aadka...