Xog Cusub..Muqdisho Intii Aan Naqaanay Waa Dhaaftay!

-

Muqdisho ayaa wajaheysa “xaalad laga walwalo”, ka dib murankii doorashooyinka oo u muuqdo kuwa hadda isku sii badalaya gacan ka hadal, Haddaba maxaa ka socda daaha ka gadaal maxaa laga filan karaa?


XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS

Warka: rasaas culus oo saqdii dhaxe xalay la is waarsaday ka dib, waxaa wili kacsan xaaladda magaalada, hadalo kala duwan ayaana ka soo baxaya dhinacyada isku haayao caasimadda.

Dhammaadkiisa: Xasan Cali Kheyre oo ka mid ahaa siyaasiyiin iyaga oo dibadbaxayo rasaas la huwiyey ayaa dhacdadaasi ku sifeeyey “isku day dil”, waxa uuna sheegay in uu jiro hal xal oo looga gudbi karo khilaafka taagan, isaga oo yiri “waxaa harsan oo kaliya in dadka xal doonka ay iska hor wareejiyaan kuwa caqabadda ah”.

Daawo: muuqaalka dibadbixii xabadaha loo adeegsaday. Cali Aadan Muumin

Posted by Cali Aadan Muumin on Friday, February 19, 2021

Xog hoose oo meelo kala duwan laga soo xigtay ayaa sheegeysa in qolyaha mucaaradka ay wadaan abaabul hubeysan, CC Shakuur oo ka mid ahaa mucaaradkii iyaga oo dibadbaxayo la rasaaseeyey ayaa yiri “Dagaalka ay rabaan Farmaajo iyo fahad yaasiin waa lala galayaa”.

Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa ku dhawaaqay in aysan tartan la galeynin Farmaaajo iyagoo ku tilmaamay “maxkamad suge”.

Ciidamada gorgor iyo Haramacad oo ku hubeysan gawaarida gaashaaman ayaa xirtay inta ugu badan wadooyinka muhiimka ah faras magaalada dhaca, daqiiqad walbana waxaa la filan karaa iska hor imaad hubeysan oo dhax mara dhinacyada is diidan.

Dhanka kale ajaanibta ku xugan Xalane ayaa dalbanaya in rasaasta laga fogeeyo aagga iyaga muhiimka u ah ee garoonka diyaaradaha iyo agagaarka xalane, waxaana jira xiriiro joogta ah oo ay la soo sameynayaan mucaarada iyo Df-ka, iyagoo dalbanaya in dagaalka laga fogeeyo.

Wararka U Dambeeyey

Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo...

Dagaalkii Qoriga Ee Farmaajo Iyo Mucaaradka Miyuu Soo Dhowyahay?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:Todobaadkan Midowga Musharixiinta ayaa soo saaray digniin ku aadan habsami u socodka doorashada oo ay...

NASA Oo Dooneysa In Ay Kowkab Qarxiso..Dhagaxii Qiyaamaha Miyaa Soo Dhow?

NASA ayaa isku diyaarineysa in ay markab-xiddigeed si kas ah ugu dhufato kowkab, si tababar ahaan ah, iyada oo...

Ma Wanaagsantahay In Aad Mar Walbo Ahaato Qof Wanaagsan?

Dadka badankood waa ay ku jeclaan doonaan marka aad tahay "qof wanaagsan" laakiin xisaabta ku darsa mararka qaar in...

Mahadnaq..Dulmiga Ikraan Tahliil !

Ka dib muddo dhan 5 bilood oo kiiska Ikraan Tahliil uu soo taagnaa, sidee u aragtaa aqriste in aan...

Faafaahin..Wariye Cabdi Casiis Afrika Oo U Geeriyooday Dhaawac

Wariyaha caanka ah Cabdi Casiis Afrika oo sidoo kale ahaa agaasimaha raadiyaha afka dowladda ku hadla ee "radio Muqdisho"...