Xog Cusub Oo Aadan Ka Maqlin Qaraxii G.Benaadir

La Wadaag Asxaabtaada

Ka dib qarax dhiig ku daaday oo ka dhacay gudaha Xarunta Gobolka Benaadir, wali waxaa la is weydiinayaa waa maxay waxa dhacay?


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Inkastoo dhinacyada kala duwan ay soo saareen warbixino kala duwan, dadku waxa ay wili la, yihiin macluumaad sharaxaad balaaran ka bixiya qaabka ay wax u dhaceen

Naag Is Qarxisay

Baaritaanka Dowladda ee hadda socda waxaa ciwaan looga dhigay “naag ayaa is qarxisay” gaar ahaan gabadha lagu eedeyey in ay isqarxisay waxa ay aheyd gabar ka tirsan dadka naafada ah gaar ahaan dadka aragga la’, arinkaasi oo dad badan ku noqday “waxa aan dhici kirin”.

Inkastoo Saraakiisha Dowladda ay boor isku qaris ka dhigteen marmarsiiyada caanka ah ee “Baaris ayaa socoto” dhankooda dadweynaha ma sugayaan in heli doonaan warbixin cad oo faafaahin dheeri ah bixisa.

Qarax Noociisa ah kii ugu horeeyey!

Alshabaab ayaa goor horeba ku faanay mas’uuliyadda ah in ay iyagu ka dambeeyeen waxa ay ugu yeereen “Qarax Heersare ah” iyagoo soo saaray qoraalo ay ku sheegayaan sida ay wax u dheceem

Sidoo Kale Aqriso: Alshabaab-oo-shaaciyey-qaabkii-loo-fuliyey-qaraxii-g-benaadir

Alshabaab ayaa sheegay in qarax lagu xiray hoolka, u jeedkuna ahaa in la qaarijiyo James Swam , iyagoo yiri “Intii uu joogay James waxaa qaraxa ku yimid Cilad farsamo, balse markii uu baxay ka dib qaraxa waa uu dhacay”

Sanduuqa Dahabka!

James Swam kun jeer ayaa shumiyey Sanduuqiisa yarka ah, ma taqaanaa sababta? maxaa yeelay sanduuqan waxa uu qabtay shaqo ay ka cajiseen shaqaalaha amaanka.

“Mobile Jammer” waa qalab sanduuq oo kale ah, shaqadiisuna ay tahay in uu hawada ka saaro taleefonada aagaasi ka dhaw, waxaana la sheegay in jamed Swam uu sitay qalabkan taasi oo sida la sheegay hawada ka saartay qaraxa hoolka dhacay ee sida loo badinaayo laga hagaayey taleefonka gacanta.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada