Xog dheeraad ah ayaa kasoo baxaya sargaalkii Mareykanka looga dilay gobolka Sh/Hoose ee dalka Soomaaliya.
Saxaafada dalka Mareyanka ayaa soo bandhigtay xog ku saabsan askarigaas, qoyskiisa iyo qaabkii loo dilay.
Muuqaal laga shaaciyay Tv-ga ABC ayaa lagu sheegay in askariga la dilay uu katirsanaa ciidamada gaarka ah ee howlgalladam, kana tirsanaa qeybta Falmouth, kasoo lagu magacaabi jiray Kyle Milliken oo ahaa 38 sano jir ka yimid Gobolka Maine, wuxuuna kasoo dagaalamay dalalka Ciraaq iyo Afghanistan isagoo bilado badan ku guuleystay laakiin ku dhintay Soomaaliya.
Waa askarigii ugu horeeyay ee Mareykanka looga dilo gudaha Soomaaliya tan iyo sanadkii 1993. Waxaa kaloo dhaawac kasoo gaaray howlgalka laba askari oo Mareykan ah iyo Soomaali tarjubaan u ahaa ciidamada.
Weerarka ayaa qabsaday ciidamada Mareykanka iyo Soomaalida oo helikobtar ku degay degaanka Daarusalaam. Ciidamada Soomaalida ayaanay wax qasaare ah kasoo gaarin.
AlShabaab ayaa soo bandhigay sawirada halkii uu ka dhacay dagaalkii lagu dilay askarigaas, halka sawirada la soo bandhigay lagu arkayay qeyb kamid ah jirka askariga dhintay.
XOG CUSUB:Askarigii Mareykanka looga dilay Soomaaliya & Dalalkii uu kasoo shaqeeyay oo..
-