XOG: Dabin ay soomaaliya ka baxsatay 57 sano ka hor In Maanta Lagu Rido Ma Mudna

-

[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’rectangle’]
Shirka London ee loo balansanyahay horaanta bisha May waxaa lagu soo go’aamin doonaa in Soomaaliya aysan yeelan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya (Military).
Maxda Qaranka iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyadu isku raaceen shirkii Madasha ee Mogadishu lagu qabtay 15 – 16 April 2017 inla baabi’iyo Ciidanka Military ga ee hada jira. Lana dhiso 18,000 askari oo ka imaan doona kuna ekaan doona xuduudaha isla maamulada ay ka imaanayaan. Kuwaas oo loo qaybsanayo sida soo socota:

Puntland 3,000
Galmudug 3,000
Hirshabelle 3,000
Banaadir 3,000
Koonfur Galbeed 3,000
Jubaland 3,000
Taasi micnaheedu waxay tahay inaysan jiri doonin Mustaqbalka dhaw iyo midka fogba Ciidan Soomaaliyeed oo Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed difaaca. Midaas badalkeedana Soomaaliya loo sameynayo Ciidamo Booliis ah oo Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada canshuuraha gudaha u qaada, saldhigyada u ilaaliya, tuugada guryaha usoo dhacdana soo xira.

Waxa loo socdana waxa ay tahay “Soomaaliyada Cusub oo ka koobnaan doonta maamulo leh xuduudo gudaha ah oo kala qo’qoban, aanan lahayn Ciidamo difaaca Xuduudaha Dalka, Midnimada iyo Madaxbanaanida Soomaaliya”.

Taasoo ka dhigan inla rabo in Soomaaliya lagu rido dabinkii ay diiday 1960 kii markii ay xornimada qaadatay. Waxaan dhihi karaa hadii sidaan wax u dhacaan waa nasiib daro Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed usoo hoyatay.!

Dagaalkii Ahmed Gurey, Darwiish ka iyo Leegadii, Baarliin dabinkii la dhigay, intaa waa ina daba socdaanee dantey naga leeyihiin iyo waxaan dooni kala fogaa.

WAXAA QORAY: XILDHIBAAN MAHAD SALAAD
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]

Wararka U Dambeeyey

Imisa Qof Oo Soomaali Ah Ayaa Hub Heysta?

Hubka saxda ee gacanta uga jira muwaadiniinta Soomaaliya waa mid aan la aqoon, hase ahaate warbixin lagu qoray webseetka...

Internetka Aduunka Oo Halis Ugu Jira In Uu Joogsado Sababtan Darteed

Saynisyahanada ayaa ka digaya cillad guud oo ku timaado internetka aduunka iyaga oo sababtuna ku qeexaya nidaamka cadceedda oo...

Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo...

Dagaalkii Qoriga Ee Farmaajo Iyo Mucaaradka Miyuu Soo Dhowyahay?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:Todobaadkan Midowga Musharixiinta ayaa soo saaray digniin ku aadan habsami u socodka doorashada oo ay...

NASA Oo Dooneysa In Ay Kowkab Qarxiso..Dhagaxii Qiyaamaha Miyaa Soo Dhow?

NASA ayaa isku diyaarineysa in ay markab-xiddigeed si kas ah ugu dhufato kowkab, si tababar ahaan ah, iyada oo...

Ma Wanaagsantahay In Aad Mar Walbo Ahaato Qof Wanaagsan?

Dadka badankood waa ay ku jeclaan doonaan marka aad tahay "qof wanaagsan" laakiin xisaabta ku darsa mararka qaar in...