Xog Dahsoon Oo Ku Saaban Sababta Afrika Faqiir U Tahay !

La Wadaag Asxaabtaada

Malinas waa gabar afrikaan ah oo waxbaratay kana soo jeedda Dalka Siiraaliyoon waxaa ay ka sheekeysay waxyaaabo badan oo ku saabsan Baahida iyo Faqriga Afrika laga sheeko.

Xaqiiqonews-Wararka

“Galab wanaagsan magaceygu Waa Malinas waxa aan ka soo jeedaa mid ka mid ah wadamada aduunka uga hodansan, oo ku yaalla qaaradda dunida ugu hodansan” ayey ku bilowday hadalkeeda iyada oo khudbad ka horjeedineysay dadyow u badan caddaan.

Milanas ayaa ayaa tilmaan ka bixisay qaaradda, iyadoo tiri “waxa uu ilaah na siiyey qurux dabiici ah iyo xeebo aad u soo jiidasho badan”.

Miss Milanas oo takhasuus fiican u leh cilmiga dhaqaalaha ayaa si kooban uga hadashay macdan badan oo laf dhabar u ah dhaqaalaha dunida, kuwaasi oo laga helo Afrika, waxa ayna tusaale u soo qaadatay “Aluminiyumka, Silikonka iyo sidoo kale dheymanka”.

Milanas ayaa u soo dhaadhacday muhiimadda hadalkeeda iyadoo af cad ku tiri “runtii galbeedka isaga ayaa u baahan Afrika, hadii ay doonayaan in ku sii shaqeeyaan diyaaradaha, baabuurta kumbiyuutrada iyo matoorada.”

Marwo Milanas waxa ay ka hadashay Abaaraha iyo faqriga had iyo jeer warbaahinta ay ka sheekaan Afrika.

“Waxaan u mahadcelinayaa Hay’addaYuniseef(Unicef) ,Yuneesko(Unesco),Istilaabka Cas(Red Cross) iyo dhamaan hay’adaha kale, kawaasi oo lacago malaayiin doolar ah ku qarasj gareeya barnaamijyada boronbogaanada ah ee Afrika looga dhigaayo qaarad Faqiir ah”. Ayey tiri Marwo Millanas.

Millanas ayaa ka dhawaajisay arin muhiim ah oo ku saabsan qaabka qarsoon ee Galbeedka ay u qaataan Hantida Afrikaanka.

Waxa ay tiri “Iyada oo ay jiraan gacmo dadka wax siinayaa islamarkaana kaamirada ay duubeyso, ayaa dhanka kale meel sheedda ka ah daaha waxaa jiro gacmo wax qaadanaya si qarsoodi ah”.

Sida la ogyahay lacagta doolarka waa mid aan laheyn “Qiimo dhab ah” taasi oo micnaheedu tahay in Doolarka qiimihiisu uu yahay mid lagu heshiisay ,maadaama doolarka uu ka sameysan yahay Warqad (Warqadduna waa wax aan qiimo laheyn).

Haddaba Millanas ayaa si layaab leh u tiri “waa damac weyn, in aad la timaato warqad midab leh(doolarka) ka dibna aad noogu badalato Dahab iyo dheyman!”

Madaxweynahii hore ee Faransiiska Jacques Chirac ayaa mar la wareystay ayaa waxa uu ku qeyliyey “waa in aan noqonaa dad runta sheega, lacago badan oo bankiyada noogu xareysan waxa aan ka helnay Qaaradda Afrika”.

2008 ayaa waxaa la sheegay in Faransiiska uu noqon doono dunida seddexaad! Hadii Afrika Dunida laga waayo.

Ugu dambeyntii Millanas ayaa hadalkeeda ku soo gabagabeysay su,aal muhiim ah “Ma taqaanaa sida dabeecadda dunida ay u shaqeyso”.

“Waa wax caadi iska ah in ay tartamaan awoodaha, si  tii awood sarreysa ay u hesho nolol dheeraad ah, sidaasi oo ay tahay, waa arin caan ah, in qoladii ku noolaato cuntada kuwa kale si xoog ah, waxaa dhacda in uu yimaado aargoosi(ha dhawaada ama ha dheeraado)”

Millanas hadalkeeda qiimaha lahaa kama aysan iloowin in ay banaanka soo dhigto xog dahsoon oo ku saabsan sababta ugu badan ee Afrika ay u baahan tahay  “Waxaa aan aaminsanahay in fikradda ah “Deeqaha” iyo ku tiirsanaanta dadka kale in ay yihiin waxyaabaha saldhigga u ah Faqriga iyoDabqadaha nolasha” ayey tiri Millano oo markii ay masraxa ka dageysay ay wehlinayeen sacabka daawadayaasha oo u muuqday in ay ka heleen erayada niyadda ee ay ku hadleysay Millano.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada