XOG DAHSOON:warqad uu taliyaaniga qoray oo ka mamnuuceysa beelaha biyomaal iyo gaaljecel in ay xil sare qabtaan#sabab

-

Markii uu gumeystihii taliyaaniga uu damcay in uu soo caga dhigto dhulka somaaliya, ayaa beelaha soomaaliya waxa ay bilaabeen in ay iska caabiyaan taliyaaniga.

Beelihii sida aadka ula diriray taliyaaniga waxaa ka mid ahaa beelaha Gaaljecel iyo Biyomaal oo halgan adag ka bilaabay gobolada koonfurta soomaaliya.

BEESHA BIYAMAAL
Sida taariikhda ku xusan xeebaha koonfureed ee soomaaliya waxaa taliyaaniga kula dagaalamay beesha Biyamaal, waxaana halkankaasi hogaaminayey sheikh mujaahidka ahaa sheikh Cali Maye oo halgan adag taliyaaniga kala hortagay, waxaana ku adgaatay gumeystihii in uu si nabadgalyo ah dhaqdhaqaaq uga sameeyo gobolada xeebaha koonfurta soomaaliya gaar ahaan xeebaha MARKA iyo BARAAWO.

BEESHA GAALJECEL
Sheikh geesigga ahaa Xasan Barsane ayaa sidoo kale ka mid ahaa hogaamiyaashiii abaabulay in la iska difaaco gaalada taliyaaniga, waxaa uuna sheeqa la galay taliyaaniga dagaalo caan baxay iyadoo raga ugu badan ee sheikha ka barbardagaalameyey ay ahaayeen beeshiisa .

ABAALMARINTII AY HELEEN BEELAHA BIYAMAAL IYO GAALJECEl
Soomaaliya markii lagu dhawaaqay in ay ka xoroowday gumeystihii ayaa waxaa la sugaayey in loo abaalgudo beelihii halganka adag soo galay hase ahaate badalkeeda beelahaasi halganka galay ayaa la galiyey cunuqabteyn siyaasadeed waxaana arintaasi ka danbeeyey taliyaaniga oo warqad uu qoray oo la dhigay madaxtooyada soomaaliya ku caddeeyey mowqifkiisa ku aadan beelaha Biyamaal iyo Gaaljecel.

Taliyaaniga ayaa madaxada soomaalida ugu hanjabay in hadii ay xil muhiim ah u dhiibaan beelahaasi uu cilqaadka u jari doono taliyaaniga ,waxaana warqaddaasi oo soo gaartay ilaa goordhaw noo xaqiijiyey xildhibaan cabsi sataar sheikh Cabsilaan Sheikh xXasan Barsane oo ka tirsan xildhibaanada dowladda federaalka.

SIyaad Barre

Hadaba dowladii maxamed Siyaad barre ayaa meel kaga dhacday xusuustii labadan halgamaa waxaana dhacday in sida la ogsoonyahay dowladii siyaad barre ay taalo iyo xusuus u sameeysay dad aan is dhahayo waxa ka mudnaa labadan sheikh.

Dhagaxtuur iyo Xaawo Taako midna kuma dhiman halgan iyo dagaal toona, tusaaale Xaawo Taaako waxa ay dhimatay iyadoo ku jirtay banaabax lagu diidanaa Ingiriiska, waxa ayna xaawo taako ku doodeysay in Taliyaaniga uu ka wanaagsanyahay Ingiriiksa.

Ma jirto sabab ay xaawo taako oo laba gumeysto kala doorbideysay ay kaga haboonaatay in la xuso halgamayaal taariikhdu ingirtay.

Ma jirto sabab keeni karto in la qariyo halgankii reer koonfur iyadoo Axmed gurey ,Sayid maxamed cabdulle xasan iyo waliba dhagaxtuur oo intaba ka soo jeeda beesha daarood la muujiyey taarikhdooda.
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]

Wararka U Dambeeyey

Muuqaal..Maxay Rakaabkan Diyaaradda U Riixayaan?

Muuqaal ka mid ah kuwa ugu cajiibsan, dalka Nepal waxaa baraha bulshada lagu baahiyey diyaarad ay rakaabka dabada ka...

Hadii Aad Aragto Riyooyinkan..Dhaqso Dhaqtar U Tag

Khubarro ka tirsan xarunta "Sleep cycle center" ee fadhigeedu yahay gobolka Teksas ee Mareykanka ayaa sheegay in riyada ay...

Dilka Shacabka Oo Lagu Tartamaayo!

Rasaasta ciidanka Df-ka ayaa dishay 3 qof oo shacab ah gudaha magaalada Muqdisho, halka gantaal hoobiye ah oo ...

Imisa Qof Oo Soomaali Ah Ayaa Hub Heysta?

Hubka saxda ee gacanta uga jira muwaadiniinta Soomaaliya waa mid aan la aqoon, hase ahaate warbixin lagu qoray webseetka...

Internetka Aduunka Oo Halis Ugu Jira In Uu Joogsado Sababtan Darteed

Saynisyahanada ayaa ka digaya cillad guud oo ku timaado internetka aduunka iyaga oo sababtuna ku qeexaya nidaamka cadceedda oo...

Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo...