XOG: Dowladda oo Askarteeda U Tababareysa qaab cajiib ah”Waligaa Habkan ma mqashay”

La Wadaag Asxaabtaada

Saraakiisha Dowladda Soomaaliya Ee loo xil saaray tababarka ciidanka dowladda ayaa Sameeyey Qorsho cajiib ah oo dadka qaarkiis ay aad ula yaabeen.

Askari ka tirsan ciidanka oo Xogahan la wadaagay shabakadda baahisa wararka qarsoon ee Xaqiiqonews ayaa inoo sheegay in uu la yaabay Hab tababarka Cusub ee dowladda “waxaan la sheegeystay dad dowladda ka tirsan oo horay tababar ugu soo qaatay jabuuti iyo Ugandha waligeyna ma maqlin tababar laga qaadanaayo cajalado iyo muuqaalo loo shidayo askarta” ayuu yiri Askariga.

Warar hoose oo ay heshay Shabakadda Xaqiiqonews ayaa sheegaya in saraakiishi mareekanka ee loo xilsaaray tababarka ciidanka ay u cabsadeen amaankooda taasi oo qasabtay in loo diyaariyo cajalado iyo muuqaalo si ay tababar ugu qaataan askarta”

“Ficil aad ku daawatay Cajal wey adagtahay in aad sameeyo adigoo caadi ah taasna waa sababta askaarteena aan dhib badan kala kulano tababarada” ayuu sii raaciyey askariga soo dusisay macluumaadkan.

Dowladda Soomaaliya ayaa La taacaaleysa habkii ay ku soo afjari lahyed kooxda mintidiinta Alshabaab oo ku raaxeysanaya istaraatiijiyadda dagaalka dhuumaaleysiga ah ee” ku dhafoo ka dhaqaaq”kaasi oo ay ka dhaxleen kooxaha mayalga adaga ee al-qaacidda xariirka la leh sida daalibaan oo iyada horay u soo tijaabisay noocan dagaal balse saraakiisha dowladda ayaa ugu jira dadaaladii ugu danbeeyey iyadoo dhawaana lagu dhaqaaqay duulaan loogu magac daray” ka xoreynta Alshabaab”

Si kastaba ahaatee marka la fiiriyo Tayada askarta dowladda oo xitaa qaarkood aan heysan tababaro ku filan marka laga reebo muuqaalo cajalada laga tusay wey adagtahay in ay wajahaan koox mintidiin ah sida Alshabaab oo kale ah.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada