Xog..Fahad Iyo Farmaajo Oo Qorsheynaya Dilka Fareey!

-

Waxaa fashil ku yimid hay’addii sirdoonka Soomaaliya (NISA) ,ka dib fadeexadii ka soo gaartay Ikraan Tahliil, waxaan suuragal ah in gudaha hay’adda uu ka bilowda ugaarsi ka dhan ah dadkii wax ka ogaa wixii ku dhacay Ikraan Tahliil.


XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA

Waxaa albaabada la iskugu dhuftay gurigii “NISA” ay ku howgali jirtay oo sidoo kale la rumeysan yahay in uu yahay goobtii si qarsoodi ah oo fool xun loogu dilay Ikraan Tahliil Faarax

Xarunta Habar Khadiijo oo ah halkii looga talin jiray NISA oo xiran

Madaxwweynaha waqtigiisa dhammaaday Farmaajo ayaa tan iyo bilowgii fadeexaddan geed dheer iyo geed gaabanba u fuulay sidii uu u dabooli lahaa xaqiiqooyinka ku saabsan geerida Ikraan Tahliil, isaga oo soo saaray warqado iyo wareegtooyin uu iskugu hortaagyo dadaalada ra’iisal wasaare Rooble.

Sidoo Kale Aqri: Sarkaal Fishilay Ninkii Ikraan Gacantiisa Ku Dilay

Ra’iisal wasaaraha xil gaarsiinta Rooble ayaa warqadihii Farmaajo ee 6 ilaa 7 Sebtembar ku tilmaamay kuwa carqaladeynaya cadaalad u raadinta Ikraan.

Rooble ayaa xilka ka qaaday taliyihii horee NISA Fahad Yaasiin, isaga oo u magacaabay Bashiir Goobe, waxa uuna dhanka kale maxakamadda iyo xeer ilaalinta ka dalbaday in si dhaqsi ah u bilaabaan baarista kiiska Ikraan.

Cabdalla Cabdalle oo horay ugu soo shaqeeyey sirdoonka NISA ayaa aaminsan uu haray hal siinaariyoo kaasi oo Fahad iyo Farmaajo ku dhaqaaqi doonaan si loo daboolo kiiska Ikraan.

Qoraal uu soo dhigay boggiisa Faysbuug ayaa ku sheegay in Fahad iyo Farmaajo ay dabooli doonaan kiiska Ikraan qiimo walbo oo ay ku kacdo, waxaana qorshahooda ka mid ah in ay ka takhalusaan Yaasiin Fareey oo ah marqaatiga nool- sida uu hadalka u dhigay

Wararka U Dambeeyey

Nin Xaaskiiska U Dilay Maxaad Gabar Uurka Ugu Sidaa !

Arin argagax leh ayaa laga soo sheegay Masar, nin inta xaaskiisa dilay ka dibna meydkeeda gubay kuna aasay meel...

Xasan Iyo Xamze: Maxay Qaban Karaan Maxaase Dhici Karin?

WARKA: Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta codka kalsoonida siiyey si aqlabiyad buuxda ah RW cusub Xamza Cabdi Barre, haddaba su'aasha...

Jeesow Oo Sheegay In Qabiil Noqon Doonta Hadii La Isku Tuurtuura Dilka Ikraan Tahliil

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si carro leh uga hadlay arinta Ikraan Tahliil, waxaa uuna ku celiyey in Ikraan...

Fahad Yaasiin Oo Si Aan La Dareemin U Qirtay Dilkii Ikraan Tahliil !

WARKA: Eedeysanihii ugu weynaa ee loo heystay dilka Ikraan Tahiil Fahad Yaasiin ayaa markii ugu horeysay si bablik ah...

Shiikh Sheegay In Israa’iil Ay Jinni U Isticmaasho Basaasidda Iiraan!

Xujutul-Islaam Naqiya Buurfar oo ah wadaad diimeed ahna ustaad jaamacadeed ayaa Tilifishinka Iiiraan ka sheegay in Israa'iil ay adeegsato...

Maxaa La Sameeyaa Markii Aadan Lacag Heysan?

in aad dareento baahi lacageed waa mushkilad caalami ah waana arin caadi oo dadka oo dhan ku dhacda ugu...