XOG HOOSE:Beesha Mareexaan oo wadda qorshe ka dhan ah Axmed Madoobe

-

Warar si hoose aan u helnay ayaa sheegaya in beesha Mareexaan ay waddo qorshe aad u ballaaran oo ka dhan ah maamulka Axmed Madoobe.

Siyaasiyiin iyo waxgaradka beeshaasi ah ayaa kulan ay ku yeesheen degmada Garbahaarey ee Gedo, waxay isku raaceen in laga soo horjeesto mamulkaasi.

Sababta ayeey ku sheegeen in aysan wax faa’ido ah ka helin tan iyo markii beeshaasi ay si buuxda u taageertay Axmed Madoobe, waxaana ay is tuseen in meesha laga saaro Madoobe.

Shirka oo ahaa mid qarsoodi ah ayaa la isku raacay in la bilaabo dib u abaabulka maleeshiyadka beesha, wixii ciidan ah ee Jubbaland ka jirana lasoo saaro.

In lagu dhowaaqo reer Gedo inaanay Jubbaland ahayn iyo arrimo kale oo lagu carqaladeynayo Sheekh Axmed Madoobe.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...