XOG HORDHAC AH: Soomaali Ma ku jirtay Dadkii Lagu xasuuqay Las Vegas Dalka mareekanka

-

Booliska Mareykanka ayaa sheegay in Tobaneeyo Qof ay ku dhinteen Toogasho Ka Dhacday Magaalada Las Vegas.

Ugu yaraan 58 qof American ah ayaa dhimatay tobaneeyo kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib toogasho ka dhacday magaalada Las Vegas oo kamid ah magaalooyinka ugu ganacsiga badan wadanka Mareykanka.

Booliska Dowladda Mareykanka ayaa sheegay in ruux hubeysan uu weerar ku qaaday dhisme xilligaas ay ka socotay xaflad muusik ah ayna ku sugnaayeen ku dhawaad 30-kun oo qof, rasaas xooggan ayaa laga maqlay dabaqa 32-aad ee Hotelka Mandalay Bay oo ah halka dadka badan lagu laayay.

Qof Goob jooge ah ayaa sheegay in uu arkay Meydadka 20 qof oo hoolka shirarka Hoteelka Daadsan iyo dad dhaawacyo ah oo ku qeylinayay Nabad Badaadiya..Nabadbaadiya, kumanaan katirsan ciidamada SWAT-ka loo yaqaan ayaa isku gedaamayay dhismaha toogashadu ka socoto.

Warbaahinta Mareykanka ayaa baahisay muuqaal muujinayay rasaas ku dhacaysa dadkii ku sugnaa xafladda waxaana dhaawacyada toogashada Las Vegas lagu qiyaasay 515 qof oo qaarkood xaaladda caafimaad ay aad uliidato.

Stephen Paddock oo 64 sano jir ahaa ayaa weerarka Fuliyay waxayna dowladda Mareykanka ay sheegtay in uu ahaa Kirishtan, FBI-da Mareykanka ayaa beenisay warar warbaahintu isla dhax qaadday oo sheegayay in Fuliyaha weerarka uu ahaa Muslim, FBI waxay xajiijinaysaa in weerarkan uusan wax xiriir ah la leeyahay kooxaha Jihaadiyiinta ee caalamka ka dagaallama.

Mid kamida saraakiisha Booliska ayaa sheegay in lala’yahay haweenay la socotay Ninka toogashada geystay taas oo la rumeysanyahay in ay wax ka ogeed weerarka, Donald Trump oo isna warbaahinta lahadlay ayaa wixii ka dhacay Las Vegas ku tilmaamay weerar cabsi iyo argagax badan waxaanua donald trump soo qoray hadal gooban isaga oo yiri”Sheydaan Ma baab’in karo midnimadeena”.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ninkii weerarka Fuliyay uu isdilay kadib markii uu laayay Tobaneeyo qof oo ku sugnaa goob lagu caweeyo, dadkii weerarkan ka badbaaday ayaa sheegay in ay usoo joogeen saacado naxdin iyo walbahaar badan.

ilaa hadda ma jiraan Dad soomaali ah oo la xaqiijiyey in ay ka mid ahaayeen dadkii goobta ku dhintay mana jiro wax war ah oo ka soo baxay safaaradda soomaaliya ee Mareekanka oo ku aadan dhacdadan xilli safaaradaha iyo jaaliyadaha wadamada qaar ay ku mashquulsanyihiin in ay la xariiraan booliska si ay u helaan macluumaad ku saabsan bal hadii ay jiraan muwaadiniin dalkood u dhashay oo goobtu wax yeela ka soo garaty

Wararka U Dambeeyey

Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo...

Dagaalkii Qoriga Ee Farmaajo Iyo Mucaaradka Miyuu Soo Dhowyahay?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:Todobaadkan Midowga Musharixiinta ayaa soo saaray digniin ku aadan habsami u socodka doorashada oo ay...

NASA Oo Dooneysa In Ay Kowkab Qarxiso..Dhagaxii Qiyaamaha Miyaa Soo Dhow?

NASA ayaa isku diyaarineysa in ay markab-xiddigeed si kas ah ugu dhufato kowkab, si tababar ahaan ah, iyada oo...

Ma Wanaagsantahay In Aad Mar Walbo Ahaato Qof Wanaagsan?

Dadka badankood waa ay ku jeclaan doonaan marka aad tahay "qof wanaagsan" laakiin xisaabta ku darsa mararka qaar in...

Mahadnaq..Dulmiga Ikraan Tahliil !

Ka dib muddo dhan 5 bilood oo kiiska Ikraan Tahliil uu soo taagnaa, sidee u aragtaa aqriste in aan...

Faafaahin..Wariye Cabdi Casiis Afrika Oo U Geeriyooday Dhaawac

Wariyaha caanka ah Cabdi Casiis Afrika oo sidoo kale ahaa agaasimaha raadiyaha afka dowladda ku hadla ee "radio Muqdisho"...