Magaalada Nayroobi ee dalka Kenya waxaa ku geeriyooday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo sida la sheegay beryihii dambe xanuunsanaayey.
XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA
Gelinkii dambee ee arabcada waxaa Isbitaal ku yaal Nayroobi ku geeriyooday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed.
Ilo ku dhow eheladiisa ayaa Xaqiiqonews u sheegay in Cali Mahdi xanuun dartiis loogu qaaday Nayroobi, halkaasi oo dhowr mar lagu dabiibay.
Ma jirto faafaahin dheeri ah oo laga bixiyey xanuunka madaxweynahii hore.
Cali Mahdi ayaa ahaa madaxweyinihii afaraad ee Soomaaliya yeelata, waxaa kale uu ahaa madaxweynihii ugu horeeyey ee Soomaaliya buburka ka dib.
Sidoo kale Aqri: Taatiikh Kooban..Faaduma Nakruuma Oo Xamar Ku Geeriyootay
Cali Mahdi ayaa sidoo ka mid ahaa ganacsatada gobolka Benaadir, isaga oo ahaa milkiilaha dhismaha ugu dheer magaalada Muqdisho.
Taariikh Kooban
Cali Mahdi waxaa uu ku dhashay Jowhar xilligii gumeystahay sanadka markii uu ahaa 1939-kii
Cali Mahdi waxa uu ahaa garabkii dhaqaalaha ee ururkii USC , waxaana Muqdisho Madaxweyne loogu doortay 29-kii Janaayo 1991-kii, labo maalin kadib markiii uu ay Xamar laga saaray Madaxeyne Siyaad Barre.
Markii dagaalka uu ka dhax qarxay hogaamiyaashii USC, Cali Mahdi waxa uu dagaalo culus la galay hogaamiyihii garabka ciidanka ee jabhadii USC Janaraal Ceydiid.
Sanadkii 2000 shirkii Carta, Cali Mahdi ayaa qeyb ka ahaa doorashadii looga adkaaday ee C/Qaasim Salaad uu madaxweynaha ku noqday.