Xog..Inta Laga Ogyahay Iyo Waxa Aan Laga Ogeyn Kiiska Ikraan Tahliil

-

Qoyskeeda ayaa baadi goobaya Ikraan Tahliil oo horay uga tirsaneyd Sirdoonka NISA, waxaana ilaa hadda calaamadul su’aal weyn dul saarantahay badqabkeeda.


XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA

Hooyo Qaali oo ah hooyada dhashay Ikraan Tahliil oo qaraabo dhawna ay yihiin agaasimihii hore ee NISA Sambaloolshe ayaa sheegtay in gabadheeda loo maleynaayo in ay afduubteen NISA, madaama goobta hoygeeda ku yaalay ee laga afduubtay ay adagtahay in uu soo galo gaari shacab ah.

Abdalla Abdalla oo ka horay uga shaqeeyey NISA, ayaa sheegay in uu helay xog sheegeysa in Ikraan Tahliil la khaariyey isla habeenkii la afduubtay oo aheyd 26 Juun, isaga oo sheegay in hilibkeeda oo la jarjaray lagu aasay meel qarsoodi ah.

Sidoo Kale Aqri: Xaqiiqonews Oo Heshay Xogta Iyo Sawirka Mid Ka Mid ah Ragii Al-shabaab Toogteen

Xildhibaan Jeesow oo ka mid ah xildhibaanada DF-ka, kana mid ah xildhibaanada barlamaanka ku matala Ikraan ayaa muuqaal uu iska duubay ka dalbaday dadka wax ku qora baraha bulshada in aysan baahin xoga aan la hubin oo ku saabsan “Ikraan” waxa uuna sheegay in wadaan baaritaan ay qeyb ka yihiin Farmaajo iyo Rooble.

Maxaa La Ogyahay

Sida ay xaqiijiyeen qoyska gabadha, Ikraan ayaa xilli habeen ah gaari nooca raaxada ah oo loo maleynaayo in wadeen dad ay is garanayaan, ka raacaday gurigeeda oo ku yaal meel u dhaw xarunta NISA.

Xogta ay baahiyeen saraakiil horay uga soo shaqeysay NISA, Ikraan ayaa ka mid aheyd sirdoonka NISA, sidoo kale Ikraan ayaa ka mid aheyd xoghayaashii duqii dhintay ee Muqdisho Injineer Yariisoow.

Sida ay xaqiijiyeen xubnaha qoyskeeda, Ikraan ayaa iskaga tagtay shaqadii ay u heysay sirdoonka NISA, waxaana dhowr mar ay diiday dalab uga yimid sirdoonka oo ahaa in ay shaqadeeda dib ugu soo laabato.

Tuhumo

Abdalla abdalle waxa uu ku doodayaa in Ikraan ay khaarijiyeen Fahad Yaasiin iyo Abu Cumar oo isku heyb ah, iyo nin lagu magacaabo Kulan Jiis kaasi oo qaraabi yihiin Farmaajo.

Sababta ugu badan ee loo dialy ayuu Abdall Abdalla Ku sheegay in ay tahay “sifeyn” isaga oo xusay in gudaha sirdoonka ay ka socoto sifeynta dadkii ogaa xogaha Fahad iyo Kulane Jiis kuwaasi oo doonaya in ay noqdaan xildhibaano xilli lagu jiro xaaladda kala guur.

Abdalle Abdalle ayaa facebookiisa ku soo qoray in uu helay xog sheeegeysa wada hadal u socda Al-shabaab iyo Abu Cumar, waxaa uuna sheegay in hadii la isfagarto ay Al-shabaab iyagu sheegan doonaan afduubka iyo dilka Ikraan, taaso oo culeyska ka dajin doonto Fahad iyo Jiis oo iyaga loo heysto kiiska.

Wararka U Dambeeyey

Cilmi Baaris..Dhimashada Ka Dib Ishu 5 Saac Ayey Wax Sii Arki Kartaa!

Indhaha dad dhintay oo horay xubnahooda ugu deeqay in cilmi baaris lagu sameeyo ayaa waxaa lagu ogaaday in indhahu...

Waa Kan Cudurkii Uu U Dhintay Xaakimka Imaaraatka SH. Khalifa Bin Zaayed

Waxaa geeriyooday Madaxweyihii Imaaraatka carabta Shiikh Khalifa Bin Zayed Aala Nahyaan oo ahaa 73 jir, sida ay shaacisay Wakaaladda...

Mar Hadey Doorasho Tahay Qof Walba In Uu Soo Baxo Filo

Qof walbo waxa uu filayaa soo bixitaanka musharixiisa uu jecelyahay, balse waxaan la iska indha tiri karin mar hadii...

Ruushka Oo Sheegay In 30 Daqiiqo Kaliya U Baahanyahay Si Uu U Burburiyo Dowladaha NATO!

Maamulaha wakaaladda hawada sare u qaabilsan Ruushka ninka lagu magacaabo Dmitry Rogozin ayaa sheegay in dalkiisa u baahanyahay oo...

Doorashada 15-ka May..Maxaa Ugu Muhiimsan?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:15-ka bishan aynu ku jirno ee May, waxaa lagu wadaa in la qabto doorashada aadka...

3 Weedh La Dhibsado Oo Ay Tahay In Aad Iska Ilaaliso Marka Aad La Kulmeysa dadka

Waxaa kale oo loogu yeeri karaa "kalmadaha isticmaalka laga badiyey" ama erayo kale hadii aan ku sheegno "nahdii ayaa...