Bandhig milatari oo Jabuuti ugu dabaal dageysay sanad guurradii 45aad ee ka soo wareegtay markii ay xornimada ka qaateen Faransiiska ayaa lagu soo bandhigay diyaaradaha darooniska ee Turkiga lagu sameeyo Bayrakktaar TB2.
XAQIIQO NEWS- WARARKA DIBADDA
Mashruuca iibsiga darooniskan ee Jabuuti ayaa ahaa qarsoodi mana jirin war rasmi ah oo shirkadda ay horay u shaacisay marka laga reebo warar warbaahinta isla dhax mareysay.
Jabuuti ayaana sidaas kaga mid noqoneysa liiska dowlado kooban oo Afrikaan ah kuwaasi oo heysta daroonta casriga ah ee Bayrakhtaar TB2.
Waa Tuma Daroonta Bayrakhtaar TB2?
Daroonta Byrakhtaar TB2 ayaa leh garbo dhaadheer oo 12 mitir ah, diyaaraddan ayaana kor u kici karta qiyaas dhan 25,000 oo fiit iyada oo ku hubeysan gantaalo leysar ah kuwaasi oo burburin kara gawaarida culus ee gaashaaman.
Daroontan ayaa waxaa horumriyey shirkadda Baykar Technologies ee uu leeyahay ninka lagu magacaabo Seljuk Bayrakdar, kaasi oo xidid la ah madaxweynaha Turkiga Rajib Dayib Erdogaan.
Seljuk Bayrakdar, oo dhowr mar ka hadlay diyaaradaha turkiga sameeya ee darooniska ayaa ku celceliyey in ay diyaradahan ay adeegsanayaan tiknoolajiyad maxali ah boqolkiiba boqol, hase yeeshee waxaa dhowr mar internetka lagu baahiyey burburka diyaaradda Bayrakhtaar Tb2 iyada oo isticmaaleyso qalab lagu sameeyey Mareykanka.