XOG KULUL: NISA oo loo Magcaabayo Shaqsi Ka Tirsan “MOD”(aqriso magaca+qabiilka)

-

Tan iyo markii uu xilka la wareegay madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa sii badanayey is badalka lagu sameynaayo hab maamulka siyaasadda soomaaliya iyadoo awoodsiin qabyaaladeedna ay meesha ka marneen.

Warbixino horay loogu daabacay website-ka xaqiiqonews ayaa shaaca ka qaaday habka cusub ee farmaajo u doonaayo in uu ku soo nooleeyo Isbaheysi la oran jiray”MOD” isbaheysikaasi oo ka goobnaa beelaha”Mareexaan, Ogaden iyo Dhulbahante” waxaana isbaheysikaasi hadda ay doonayaan in soo celiyaan miisaanka ay ku lahaayeen Siyaasadda gaar ahaan muqdisho iyo gobolada koonfurta.

ka dib xil ka qaadistii lagu sameeyey Sanbaloolshe taliyihii NISA ee hore iyo Sidoo kale saacid oo Booliska taliya u ahaa ayaa waxa soo baxaya warar cusub oo ku aadan cidda loo magacaabayo xilalkasi.

Warar hoose oo ay heshay shabakadda baahisa wararka qarsoon ee xaqiiqonews ayaa sheegaya in xilka taliyaha NISA loo magacaabi rabo Shaqsi ka soo jeeda Dhulbahante taasi oo ka dhigan dib u soo noolaashaha Isbaheysiga MOD waxaana shabakadda Xaqiiqonews ay heshay magaca shaqsigan oo lagu sheegay Jen Maxamuud Siyaad Abdirahman oo ku soo biiray sirdoonkii Siyaada barre sanadkii 1975-kii.

Xogtan aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in taliyaha Booliska loo magacaabi doono Shaqsi lagu magacaabo cabdalle oo horay u soo noqday taliye ku xigeenkii Sirdoonkii dowladdi siyaada barre.

Siyaasiyintii xilalka ka soo qabtay dowladii Siyaad barre ayaa hadda fursad markale ka helaya dowladda farmaajo iyadoo qaarkood ay yihiin Howlgab mana la oga sababta raggani ay awood ugu yeelan karaan in ay galaan dagaal ka duwan kii todobaatameeyada.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...