Xog: maxaa ka jira in dagaalkii halgan lagu dilay sarkaalkii ugu darajada sareeyey itoobiya oo somali lagu dilo

-

Markii ugu horraysay dowladda Itoobiya ayaa qirtay in khasaara lixaad leh uu kasoo gaaray dagaalkii cuslaa ee sanaddii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka Hiiraan bartamaha dalka Soomaaliya.

Munaasabad baroordiiq iyo billad guddoonsiin isugu jirtay oo ka dhacday magaalada Jigjiga ee dhulka Somaligalbeed ayuu madaxweynaha Itoobiya uga dhawaaqay in dagaalkii ka dhacay deegaanka Halgan lagu dilay ciidamo farabadan oo uu ku tilmaamay ‘Geesiyaal Qaran’.

“Qaranka Itoobiya ma hilmaami doono halyeeyadii looga dilay dagaalkii cuslaa ee Al Shabaab lagula galay magaalada Halgan ee bartamaha Soomaaliya” Ayuu yiri Mulatu Teshome madaxweynaha aan fulinta awoodeed laheyn ee Itoobiya.

Saraakiil katirsan melleteriga Itoobiya oo khudbad ka jeediyay munaasabadda loogu baroor diiqayay ciidankii lagu laayay Halgan ayaa sheegay in wixii dhacay ay ahaayeen dagaal gacmaha layskula tagay.

General Samora Yenus oo ah taliyaha ciidanka difaaca Itoobiya oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in dagaalka ay uga jiraan Soomaaliya uu yahay mid adag.

Itoobiya waxay xaqiijisay in dagaalkii Halgan looga dilay taliyihii Guutada 4-aad ee Melleteriga Itoobiya waana sarkaalkii ugu darajada sarreeyay oo looga dilo dalka Soomaaliya.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...