Saraakiil ka tirsan Hay’addaha ammaanka ayaa sheegay in la soo afjaray hawlgalkii saacadaha badan qaatay ee lagula dagaalamaayay xubno ka tirsanaa Shabaab, kuwaasi oo weerar abaabulan ku qaaday Maqaaxida Pizza House ee Degmada Hodan.
Xaaladda hadda waa ay dagan tahay mana la maqlaayo rasaas iyo dhawaqa qoryaha waaweyn oo tan iyo xalay ciidamada ammaanka ay ridayeen, waxaana goobta buux dhaafiyay ciidamada kala duwan ee Dowladda Federaalka.
Hadaba Dhacdooyin badan oo xanuun badan ayaa laga soo sheegayaa khasaaraha ka dhashay Weerarkaasi, waxaana ugu xanuun badan Afar Hablood oo wada dhashay oo sedex ka mid ah ku geeriyoodeen PIZZA HOUSE.
Ehelada Hablahaasi ayaa saxaafada u xaqiijiyay in Afarta Hablood ee wada dhashay kaliya ay ka badbaaday hal gabar oo dhaawac uu soo gaaray.
Maqaayada PIZZA HOUSE waxaa goordhow laga soo saaray Meydadka Lex Hablood, oo xalay Al-shabaab ay meeshaasi ku dileen.
dumarka Muqdisho ayaa caan ku ah in Buuxiyaan Goobaha loo tamashleynto gaar haan Beerta nabadda,PiZZ House,Liido iyo goobo kale waxaana inta badan ay goobahaasi marka la beegsado ay Noqdaan Dhibanayaasha Ugu Badan.
Alshabaab yaa dhowr jeer oo hore ka digay Hoteelada Ku Yaalla Wadada Makk-Almukaramah Iyagoo ku tilmaamaay Hoteeladaasi in ay yihiin Xarumo Dowladadeed.