Xog muhiim ah: La Taliyaha Amniga oo Wakiilada Beesha Caalamka uga warbixiyay Qorshaha Amniga

-

[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’rectangle’]
La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Xuseen Macalin ayaa la kulmay Wakiilada Beesha Caalamka ee fadhigooda yahay xarunta Xalane, isagoo u faah faahiyay qorshaha Amniga Qaranka ee ku wajahan dhismaha Ciidanka.

Kulan shalay ka dhacay Xarunta Xalane ayaa Taliye Xuseen Macalin iyo Wasiirka Gaashaandhigga C/rashiid C/llaahi waxay la wadaageen Safiirada Beesha caalamka u jooga Soomaaliya qorshaha Amniga ee qeybta ka ahaa qodobadii ka soo baxay shirkii Madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada.

Kulankan ayaa waxaa goob ka ahaa Wakiilka Qaramada Midoobey, Safiirka Mareykanka, Safiirka Imaaraadka Carabta, Wakiilka Midowga Afrika iyo Safiiro kale.

Qorshahan ayaa markii hore waxaa laga muujiyay shaki weyn qaabka loo diyaariyay, gaar ahaan dhismaha ciidanka xoogga dalka, oo loo yeelay muuqaal ciidan dawlad goboleedyada ay awood weyn ku leeyihiin dhismihiisa, amarkiisa iyo taladiisaba, iyadoo arrintan ka mid aheyd awoodaha dowladda Dhexe.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa soo dhoweeyay qorshahan Amniga, iyadoo lagu wado qorshahan Amniga Qaranka ee dhismaha Ciidamada la horgeeyo Shirka London ka dhacaya bisha soo socota.

Qorshaha Amniga Qaranka ayaa waxaa lagu xusay in Ciidanka xoogga dalka tiradiisu ay noqoneyso ugu yaraan 18,000 oo ayan ku jirin ciidanka cirka, kuwa badda iyo ciidamada gaarka ah ee gaashaaman.
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]

Wararka U Dambeeyey

Calaamado Soo Muuqan Kara Bil Ka Hor Wadno Xanuunka

Dr. Satir Zhijian, oo ah dhaqtar wadanaha ayaa tilmaamay in calool xanuunka iyo dhabar xanuunka ay noqon karaan calaamado...

Xarun Sayniska Iyo Tiknoolajiyadda U Gaar Ah Oo Muqdisho Lagu Dhagax Dhigay

Jaamacadda SIMAD oo caan ku aheyd aqoonta ganacsiga iyo xisaabaadka ayaa dhawaan daah furtay xarun cusub oo u gaar...

Xog..Jabuuti Oo Soo Bandhigtay Darooniska Bayrakhtaar TB2

Bandhig milatari oo Jabuuti ugu dabaal dageysay sanad guurradii 45aad ee ka soo wareegtay markii ay xornimada ka qaateen...

Nin Xaaskiiska U Dilay Maxaad Gabar Uurka Ugu Sidaa !

Arin argagax leh ayaa laga soo sheegay Masar, nin inta xaaskiisa dilay ka dibna meydkeeda gubay kuna aasay meel...

Xasan Iyo Xamze: Maxay Qaban Karaan Maxaase Dhici Karin?

WARKA: Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta codka kalsoonida siiyey si aqlabiyad buuxda ah RW cusub Xamza Cabdi Barre, haddaba su'aasha...

Jeesow Oo Sheegay In Qabiil Noqon Doonta Hadii La Isku Tuurtuura Dilka Ikraan Tahliil

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si carro leh uga hadlay arinta Ikraan Tahliil, waxaa uuna ku celiyey in Ikraan...