XOG RASMI AH: Maxaa Kala Qabsaday Madaxweyne Farmaajo & Xildhibaan C/shakuur Cali Mire.?

-

Weriyihii Shabakadda GEDO.NET ee Nairobi Ex. Suxufi C/shakuur Cali Mire [Gaalo-Eri] oo ku fadhiya kursigii Xildhibaanimo ee beesha Celi Mareexaan oo uu ku helay qaab musuqmaasuq-nimo ah, ayaa hadda xusul-duub ugu jira in Xukuumadda cusub uu ka helo Wasiir ku-xigeen, sida laga soo xigtay ilo lagu kalsooni qabo.

Kulan dhexmaray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & C/shakuur Cali Mire, ayuu ku dalbaday Ex. suxufi C/shakuur in Madaxweynuhu taageero damaciisa ku aadan inuu soo galo Xukuumadda cusub, hasse yeeshee Farmaajo ayaa ku yiri C/shakuur hadal u eg:-

“Ceebtii iga raacday kursigii beesha Celi ee laguu dhacay ayaan ilaa weli i daba taagan, iyada oo ay sidaas jirto suurtagal ma ahan in haddana Wasiirkii ay heli lahaayeen in aad ku darsato, ee 2 mid soo gal: 1) Kursiga Xildhibaanimo wareeji, oo wasiir ku xigeen qaado 2) Haddii kale, Xildhibaanimadaada ha ku deeqdo”
C/shakuur Cali Mire, oo qeyb ka ahaa ololihii doorashada Farmaajo, inkastoo uu ku soo biiray bilihii ugu dambeeyey, ayaa Madaxweynaha ugu abaal-sheegtay in aysan qaban inuu ku hungoobo damaciisa ku aadan helitaanka Wasiir ku-xigeen, iyada oo xilal Wasiir ku-xigeenno ka culus ay sugayaan shaqsiyaad dhinaca kale ka soo jeeday intii ay ololaha ku jireen.
Si kastaba ha ahaatee, C/shakuur Cali Mire, ayaa intii aan Xassan Kheyre loo magacaabin Raysul-wasaare, wuxuu ka mid ahaa dadkii sida weyn ugu ololeynayey in xilka R/wasaarenimada loo magacaabo Dr. C/naasir Maxamed, isaga oo Ditoorku u balanqaaday in haddii la magacaabo uu ka dhigi doono xilka uu sida weyn u caashaqsan yahay C/shakuur oo ah Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda, xilkaasi uu sannadihii ugu dambeeyey uu hayey Mahad Salaad oo ah nin si weyn Siyaasadda ugu muuqday wax badana ka qabtay howlihii uu u xil-saarnaa.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...