XOG: Seefta farmaajo oo dul saaran mas,uul caan ah#aqriso xilka qaadis soo wajahan

-

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in is bedelada ay ku dhawaaqan Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre uu saameyn doono saacadaha soo socda Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dawladda Federaalka Soomaaliya G/dhexe Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi).
Wararka ayaa sheegaya in Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) seefta dusha ka saaran tahay isla markaana xil ka qaadistiisa isku afgarteen Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, sidoo kalena la calaamaystay qofkii lagu bedeli lahaa.
Qofka lagu bedelayo G/dhexe Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) Madaxa laanta socdaalka soomaaliya ilaa iyo hadda si rasmi ah uma helin magaca qofkaas laakiin waxaa jira dhowr magaca oo magaalada soo galay.

July 26, 2016 ayay ahayd markii Ra’isalwasaarihii Xukuumadda hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke u magacabay G/dhexe Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) taliyaha laanta socdaalka soomaaliya.
Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ayaa ku mashquulsan magacabis iyo xil ka qaadis halkii ay ka wajahi lahaayan wax ka qabashada xaalada abaarta iyo xasilooni darada ka jirta Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.
Dadka ka faalooda arrimaha Soomaaliya waxay sheegayan inaan wax micno ah soo kordhinaynin is bedel lagu sameeyo jagooyinka iyo shaqsiyaadka balse waxaa keliya wax ka bedeli kara xaalada dalka ay tahay marka lala yimaado qorshe iyo qaab diyaarsan oo bilaw iyo dhamaad leh.
Dhamaan saraakiisha uu madaxweyne Farmaajo magacaabay ayaa ahaa kuwa horey xilalkaas usoo qabtay laakiin aanan sameyn waxyaabo lagu faani karo.
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...