XOG: Waqtiga lagu dhawaaqayo Golaha Wasiiradda & 3 Xil oo la isku heysto

-

Ra’isul wasaaraha DF Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa aad ugu mashaquulsan soo dhisitaanka xukumada cusub maadaama uu haysto mudo 30 cisho ah.
Warar ay heshayarbaahinta ayaa sheegaya in Arbacada soo aadan uu Kheyre ku dhawaaqi doono xukumadiisa cusub oo aad uga duwanaan doonta xukumadihii hore.
Ilo Wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa inoo xaqiijiyay in sedex xil oo kamid ah kuwa ugu awoodaha badan xukumada si weyn la isugu haysto.
Wararka ayaa sheegaya in wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka ay isku haystaan beelaha Habar Gidir iyo Abgaal oo dareensan in lagu qadiyay xilka Ra’isul wasaaraha.
Xogtan oo aynu ka helnay xubno lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijineysa in madaxweyne Farmaajo uu doonayo in shaqsi kasoo jeeda beesha Habar Gidir loo dhiibo xilkaas, laakiin arintaas ayaa dib ka cuslaatay kadib markii ay beesha Abgaal RW kheyre xilkaas ka dalbadeen.
Warar aynu helnay ayaa sheegaya in Ra’isul wasaare Kheyre iyo madaxweyne Farmaajo ay qaadan doonaan go’aan hadii ay labadaan beel isku sii haystaan xilka.
Dhanka kale, warar lagu kalsoon yahay oo aynu helnay ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland C.Wali Gaas uu dalbaday in loo madax baneeyo cida wasiirada cusub ku matali doonta dowlada RW kheyre soo magacaabayo.
Arintaas ayaa ka dambeysay kadib markii Madaxweyne Gaas iyo ku xigeenkiisa Camey ay isku khilaafeen wasiirka ay yeelan doonto beesha Dhulbahante, madaxweyne Farmaajo iyo Camey ayaana arintaas wadahadal dheer ka yeeshay
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xukumada cusub ee soo socota ay inteda badan ka imaan doonto dhanka qurbaha waxaana yar awooda ay ku yeelan doonaa xildhibaanada labada gole iyo siyaasiyiinta Muqdisho ama gudaha dalka ku sugan
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...