XOG: Xaqiiqonews Oo Heshay Xog Cajiib ah Oo ku Saabsan Weerarkii Jameeca Jiliya

La Wadaag Asxaabtaada

Dhawaan ayey aheyd markii Ciidan Mareykan ah IyoCiidimo Somali ah ay weerar Ku qaadeen Deegaanka Jameeca Jiliyaale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Waxaana Weerarka  lagu qaaday Goob Waxbarasho oo ay maamulayen Xarakada Alshabaab, waxaana ka dhashay weerarka dhimashada dhamaan macalimiintii Aslahabaabka ahaa oo gaaraayey  ilaa 5 macalin,dhanka kale waxaa geeriyooday caruur ka mid ah dadkii goobta wax ku baraaneyey oo iyagana gaarayey ilaa 5 kale, waxaana caruurta dhimatay ka mid ah wiil uu dhalay mid ka mid ah nabadoonada beesha Barsane oo lagu magacaabo nabaddoon boore.

ka sogow qasaaraha dimashada , waxaa jiraa ilaa 40 caruur ah oo ay wateen ciidankii weerarka soo qaaday,iyadoo wararkii ugu danbeeyey ee ay heshay shabakadda xaqiiqonews ay sheegayaan in mid ka mid ah caruurtii 40-tanka ahaa uu dhintay.

Warar hoose oo soo gaaray xaqiiqonews ayaa sheegaya in caruurta hadda lagu haayo xerada Balidoogle oo ka tirsan Shabeelaha Hoose waxaana socdo wareysi ciidanka ay la sameynayaan ardayda, sida qorshaha yahna waxaa loo sii gudbin doonaa Muqdisho.

Jiliyaale Weerarka ka hor

Jamaceeca Jiliya oo dadka qaar aay u yaqaanaan Jiliyaale ama jameeca barsane waxaa aasaasay Halgamaakii Weynaa Sheikh xasan barsane, waxaana dega beesha barsane oo ah jufa ku abtirtsate Beelweynta Gaaljecel.

Sanadihii u danbeyey Jiliyaale waxaa maamulaayey xarakada Alshabaab, waxaana Alshabaab deegaankaasi ugu magacownaa nin lagu magacaabi jiray Ciise Dhere oo ka soo jeeda beesha Habargidir gaar ahaan Sacad, balse todobaadkii tagay ayaa ciise dheere laga bedelay maamulka, waxaana la wareegay nin Barsane ah oo aan magaciisa la shaacin.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada