XOG XASAASI AH: Maxey tahay arinta uu Robow abu-mansuur iska diiday Xalay Iyo Farmaajo…..

-

Wadahaladii xalay ee dhaxmaray dowladda iyo Roboow ayaa itooda badan ahaa dalab iyo codsi dowladu ay ka dalbaneysa sheikha in uu sameeyo Muxaadrada culus oo ay ka soo qeyb galaan dadweyne fara badan.

farmaajo ayaa ka codsay Robow in muxadaaradaasi kaga hadlo Khaladaadka alshabaab bale dhankiisa abu-mansuur Robow ayaa iska diiday arintaasi isagoo dalbaday in si shuruud la,aan ah loogu qaado dalka Qadar.

Ilaa hadda ma jiro Go,aan Rasmi ah oo Labada dhinac ay ka wada gaareen arinkaasi marka laga reebo saraakiil dowladda ka tirsan oo marba mid sheikha uu la kulmaayo si ay ugu qanciyaan muxadaradaasi hadii la isku af garto ka dhici doonto fagaaraha Dal Jirka dahsoon.

Hadii Robow Abu-mansuur Uu Aqbalo Muxaadaradaasi waxa ay noqon doontaa Guul cusub oo ay dowladda ka gaartay dagaalkii Fikirka ahaa ee u dhaxeeyey Dowladda iyo islaamiyiinta Jiaad doonyaasha ah sidoo kale hadii ay dhacdo muxaadarada ma jiraan dad sidaasi u badan oo ka soo qeyb gali kara sababo la xariira amaanka goobta oo aan la isku haleyn karin.

Hadiise uu Robow Diido in uu ka hadlo kulan noocaasi ah waxa ay bahdil ku noqon doontaa Dowladda iyadoo laga yaabo in ay burburaan wadahadaladii labada dhinac iyo heshiisyadii la kala saxiixday.

Wararka U Dambeeyey

NASA Oo Dooneysa In Ay Kowkab Qarxiso..Dhagaxii Qiyaamaha Miyaa Soo Dhow?

NASA ayaa isku diyaarineysa in ay markab-xiddigeed si kas ah ugu dhufato kowkab, si tababar ahaan ah, iyada oo...

Ma Wanaagsantahay In Aad Mar Walbo Ahaato Qof Wanaagsan?

Dadka badankood waa ay ku jeclaan doonaan marka aad tahay "qof wanaagsan" laakiin xisaabta ku darsa mararka qaar in...

Mahadnaq..Dulmiga Ikraan Tahliil !

Ka dib muddo dhan 5 bilood oo kiiska Ikraan Tahliil uu soo taagnaa, sidee u aragtaa aqriste in aan...

Faafaahin..Wariye Cabdi Casiis Afrika Oo U Geeriyooday Dhaawac

Wariyaha caanka ah Cabdi Casiis Afrika oo sidoo kale ahaa agaasimaha raadiyaha afka dowladda ku hadla ee "radio Muqdisho"...

Dhagaxii Ceel Cali Waxa Uu Dhulka Ku Soo dhacay 50,000 Sano Ka Hor!

Sida ay lagu ogaaday baritaano ay si wada jir ah u fuliyeen jaamacadda almaas ee magaalada Muqdisho iyo baarayaal...

Qof Walbo Waxa Uu Cadaalad U Raadinayaa Ikraan Tahlill Marka Laga Reebo Farmaajo

La taliyihii hore amniga ee Farmaajo, Xuseen Cali oo hadda madax ka ah machadka daraasaadka ee Hiraal ayaa sheegay...