XOG XASAASI AH: Waa Kuma Hogaamiyaha Daacish Ninka Ugu Halis badan Aduunka? #aqriso Xog dahsooneed

Abubakar Al-baqdaadi waxaa uu ku guuleystay in uu Qariyo wax badan oo ku saabsan noolashiisa laga soo bilaabo tan iyo markii uu ahaa hogaamiyaha dowladdii islaamiga ee ciraaq 2010 ilaa xilligan oo lagu tilmaamo in uu amiir u yahay dowladda islaamiga ee ciraaq iyo shaam oo sanadkii 2014-ka iclaamisay khilaafo islaami ah.

Muddada intaasi la eg kama uusan soo muuqan iclaamka marka laga reebo marar dhif ah tan iyo markii uu iclaamiyey khilaafada islaamka abubakar waxa uu ka soo muuqday iclaamka hal mar oo kaliya markii uu khudbad ka jeediyey masjidka Jaamica ee ku yaalla Magaalada muusil oo ah magaalada labaad ee ugu weyn ciraaq.
Laakin si kasta uu isku qariyo waxaa jiro macaluumaad laga helayo al-baqdaadi oo lagu tilmaamo waqtigan ninka ugu halis badan caalamka.

Abubakar al-baqdaadi oo sidoo kale loo yaqaano “abu dacaa” ama “dr ibraahim”ama “ibrhaami cawaad” ayaa dhasahy sanadkii 1971-kii isagoo ku dhashay magaalada Saamaraa oo 50 M u jirta caasimadda baqdaad.
Magaciisa dhabta waa ibraahim ibnu cawaad ibnu ibraahim albadri al-qureyshi waxaa uuna ku abtirsadaa qabaa,ilka”al-buu badri” oo dagan inta u dhaxeysa mandiqada Saamaraa iy Diyaalaa waana qab,ilo ka gooban beelaha Al-ridwaaniyah,alxuseyniyah,alcadnaaniyah iyo al qureyshiyah oo ah qabiilkii uu ka dhashay nabi muxmed SCW.

Sida caanka ah in uu qof noqdaa khaliifka Muslimiinta waxa ay ku xirneed in uu shaqisigaasi yahay mid ku abtirsada rasuulka.

Qaar ka mid dadkii ka faalooday khudbadii uu ka jeediyey masaajidka alnuuri ee ku yaalla muusil waxa ay sheegeen in uu Abubkar markii uu khudabadda jeedinaayey uu isticmaalaayey Cadayga lagu nadiifiyo ilkaha waliba qaabkii kutubada ay sheegeen in nabi muxamed SCW u isticmaali jiray isagoo doonaayey in uu in badan isku xiro ficiladii iyo dhaqamadii Nabi Muxamed SCW.

Al-baqdaadi Waxa uu wax ka bartay jaamacadda Islaamiga ah ee Baqdaad heerkiisa koowaad ee jaamacadda waxaa uuna isla jaamacadaasi ka qaatay IJAAZA ilaa heerka ugu sareysa ee jaamacadda.

Nin lagu magacaabo Charles Leicester oo ah qabiir ka tirsan machadka brookings institutuion waxa uu aaminsanyahay in ay jirto fikrad ah in xubnaha jihaadiyiinta Reer Yurub ay aminsanyihiin in uu al-baqdaadi yahay qof sii wadi kara hadafkii uu ka dhintay Usama oo sida ay aaminsanyhiin uu ku fashilmay Eyman Al-dawaahiri in uu sii anbo qaado.

Al-baqdaadi waxaa uu leeyahy labo xaas iyadoo magaca xaaskiisa koowaad ay tahay ilaa hadda mid aan la aqoon laakin magaca xaaskiisa labaad waxaa lagu sheegay ZAJAA xaamid Aldeylamiyah oo uu guursaday iyadoo garoob ah.
Haweyneydani oo fikir ahaan aaminsan Afkaarta jamaacada Salafiyah Jihaadiyah ayaa aabaheed waxaa uu dhintay xilli uu ka barbar dagaalamaayey dagaalyahanada dowladda islaamiga.
Sidoo kale warbixino hoose ayaa sheegay in gabar la dhalatay haweeyneydani ay isku qarxisay magaalada Arbil ee kurdiyiinta .

Abubakar albaqdaadi waxaa uu xabsi ku soo qaatay qeyb ka mid ah noolashiisa markii ciidanka mareekanka ay ka xireen ciraaq waxaana la soo sii daayey sanadkii 2006-dii inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in la soo sii daayey sanadkii 2009.

Si la mid ah Usama bin Laden waxa uu baqdaadi ku guuleystay in uu shabciyad badan ku yeesha kooxaha jihaadiyiinta dhexdooda waxaana dartiisa ay u a alifeen nashiidooyin badan sida nashiidada caanka ah ee “رصو الصفوف وبايعو البغدادي “ “safka hagaajiya baqdaadina la beectma”
Oo caan ka ah baraha internet-ka ku leeyihiin kooxaha jihaadiyiinta.

Si kastaba ha ahaatee Albaqdaadi waa nin in badan is qariya arintaasi oo dad badan ku micneeyeen sababo amni laakin marka laga soo tago sababtaasi waxaa shaki ku jirin in is qarintiisa ay Xujo iyo hal xiraale ku tahay hay,adaha sirdoonka galbeedka .

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA