XOGA CULUS: Yaa ka danbeeyey Qaraxii Zoobe (Balack Water mise Alshabaab ama Takfiir)

Qaraxii Zoobe ayaa dad badan ku noqday hal xiraale ay garan waayeen cidd sida rasmiga ugu danbeysay weerarkii Zoobe balse warbxintan soo socoto ayaan aqristow isku dayi doonaa in aan soo aruurino dhamaan macluumaadka suurta-galka ah ee la heli karo iyo dhamaan xogaha qarsoon ee dadka qaarkiisa aysan ka warqabin.

Qaraxii Zoobe ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay balse macluumaadka ay heshay shabakadda baahisa wararka iyo xogaha qarsoon ee xaqiiqonews ayaa ah mid laga duuli karo oo ku dhisan dhaqdhaqaaqyadii ka horeeyey qaraxa iyo sirihii la helay qaraxa ka dib.

waxaana macluumaadkani aan ka soo kala aruurinay, warbaahinada caalamiga,kuwa maxaliga ah iyo wareysiyo an la sameynay shaqsiyaad ku sugan goobaha ay alshabaab ka taliyaan iyo sidoo kale waxa ay ay warbixinta ay ku dhisantahay dhaqdhaqaaqyadii ugu danbeeyey ee dowladda sameysay ugu danbeyn waxa ay warbxinta daahi ka qaadi doontaa hub-uruursiga qarsoodiga ah ee jamaacada A”al-dacwa wa towxiid”(kooxda soomaaliya caanka ku ah magaca takfiir.)

1- hadii aan si dhab ah u raacno Eeda dowladda ee ku saabsan suurtagalnimada in qaraxa ay ka danbeysay alshabaab waa mid aan xaqiiqda ka fogeyn sababtoo ah qaraxyada noocan ah waxaa awoodeeda iska leh in ay fuliyaan alshabaab mana jiro urur muuqdo oo fulin kara weerar sidan oo kale u habeysan balse dhanka kale waxaad moodaa in dowladda
ay si un ugu faa,ideysaneyso khasaaraha shacabka iyadoo shacabka ku calool jilcineysay in ay dowladda u taagantahay badbaadinta shacabka halka alshabaab ay u taaganyihiin xasuuqa dadweynaha(sida aad dowladda ku doodeyso) .

hase ahaatee iyada oo aan la difaaceyn(alshabaab iyo ficiladooda aan xadeysneen ee qar iska tuurnimada ah) waxaan lagula doodi karaa dowladda in alshabaab aysan ula kac u sameynin qaraxii Zoobe sababtoo ah dhamaan siraha iyo xogaha la helay qaraxa ka dib waxa ay muujinayaan in Alshabaab ay doonayeen in qariyeen bartilmaameedyo ka Muhiimsan kii zoobe(marka iyaga loo fiiriyo) waxaana la helay xogo kala duwan oo ku saabsan halkii alshabaab ay doonayeen in ay qarxiyaan.

… Warbixin ay sii deysay idaacadda codka mareeykanka VOA iyadoo soo xiganeysay sirdoon ka tirsan Df-ga ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxa lala damacsanaa Xero millatary oo dhawaan turkiga ka yagleelay muqdisho halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamo cadaan ah oo turki ah

….Sidoo kale waxaa ka hadlay bartilmaameedka qaraxii Zoobe wargeyska the Guardian oo warbixin uu daabacay ku sheegay in qaraxa lala damacsanaa airp-porka muqdisho ay ka ag dhawanyihiin safaarado muhiim ah oo ku dhax yiila xerada xalane oo aan ka fogeyn Air-porka.

… Tv-ga Aljaziira ayaa isla habeenkii qaraxa muqdisho ka hadlay dhacdo ka duwan kuwii hore wargeyska ayaa soo qaatay howlo iyo heshiisyo dhawaan maamul goboleedka gonfur galbeed la saxiixday hey,adda Dhanka amaanka qaabilsan ee balack-water waxaana Tv-ga warbixintiisaasi laga daalacan garay arin ka weyn midda ay soomaalida saadaalinayaan,sababtoo ah Balack -Water ayaa ah hey,ad qaabilsan dhanka amaanka taasi oo ka soo shaqeeysay dalka ciraaq balse dowladda Ciraaq ayaa Heshiiska ka baxday ka dib markii lagu helay balack water danbiyo ah qaraxyo hey,adda mas,uul ka aheyd oo lagu bartilmaamdeedsaday dad shiico ah ama suniyiin ah iyadoo u jeedka hey,dda u ahaa in ay iska hor keento shiicada iyo sunniyiinta ciraaq.

….Dhanka kale warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya suurtagalnimada in qaraxii Zoobe tuhmadiisa ay hareysay koox cusub waa kooxda takfiir loogu yaqaan soomaaliya iyadoo suurtagal ay tahay in kooxdaasi il gaar ah lagu fiiriyo inkastoo aysan badneyn suurtagalnimada kooxdani ay awood ugu yeelan karto in ay fuliso weerar noocan oo kale balse waa arin marag ma doonto in jamaacada takfiir ay baryahani wadeen hub- uruursi.

……ugu danbeyn waxaa jiro xog shanaad oo aan ka duwaneyn xogta hore oo ah in ay alshabaab qaadanayaan mas,uuliyadda weerarka balse dhacdada ay u dhacday si kadis ah iyadoo baabuurka uu ku qarxay goob aan loo qorsheeneynin baarayaasha xaqiiqonews waxa ay xoojinayaan xogtan shanaad ka dib xiriir aan la sameynay goobaha shabaab joogaan iyo sida dhacdada loogu argay ayaa waxaa dad aan la hadalnay ay inoo sheegeen in shabaabka caadiga dhexdooda ay aad ugu xumaayeen dhacdada iyagoo askarta qaar ee alshabab ay dhacdadani ku tilmaameen”Qalad uu galay walal istishhaadi ah(sida ay hadalka u dhigeen)

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA