XOG:Hal arin ayay Somalia uga Badbaadi kartaa Internet La’aan mar kale ku dhacda

-

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya Eng. Cabdi Canshuur Xasan ayaa ku baaqay in dalka la keeno Qad Internet oo Keyd ah, kaddib markii Qadkii Internet-ka Fibre Optic ee la soo marsiinayay Badda hoosteeda uu bishii hore markab jaray, taasoo sababtay Internet la’aan soo wajahday Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Mr Canshuur oo Wariyeyaasha kula hadlayay Xafiiskiisa, wax yar kaddib markii uu dib u soo laabtay Internet-ka ayaa sheegay in loo baahan yahay in dalku yeesho Qad Internet oo keyd ah (Back Up), si looga bad baado, hadii uu mar kale cilad ku timaado Internet-ka ama uu go’o.

“Shirkadaha waxaa ka dooneynaa inay sameeyaan qaab xariga looga ilaalin karo maraakiibta ku soo xiraneysa Dekeda, taasoo u baahan in shirkadaha Internet-ka inay isla qorsheeyaan sidii looga bad baadi lahaa in mar kale uu xarigaas go’o”ayuu yiri Wasiir Canshuur.

Waxaa uu sheegay in dalka ay ka jirto fursad ganacsi oo lagu maalgashan karo, isagoo ku baaqay in la keeno Xargo kale, si looga baxo baahida Internetka ee sii kordheysa.

“Ganacsatada waxaa ugu baaqeynaa inay keenaan xargo kale oo Fibre Optic ah, dalka waxaa ka jira fursado lagu maalgashan karo”ayuu yiri Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaraddiisa ay gacanta ku heyso qorshe qaran oo ay qeyb ka noqonayaan daneenayaasha Isgaarsiinta, kaasoo uu xusay inuu damaanad qaadi doono helitaanka Isgaarsiin tayo leh oo la isku haleyn karo.

Ugu dambeyn Wasiirka ayaa uga mahad celiyay Ra’iisul Wasaaraha iyo Shirkadda gacanta ku heysa adeega Internet-ka Fibre Optic dadaalkii ay ka geysteen in mar kale Internet-ka uu soo laabto.

Illaa 22 cisho ayuu Internet-ka ka maqnaa Gobolada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, iyadoo maqnaanshaha Internet-ka uu saameyn ku yeeshay dhamaan adeegyadii uu fududeynayay Internet-ka, waxaana dowladdu ay sheegtay in maalin walba la khasaarayay lacago dhan 10,000000(tobon milyan) oo doolar.

Wararka U Dambeeyey

Nin Xaaskiiska U Dilay Maxaad Gabar Uurka Ugu Sidaa !

Arin argagax leh ayaa laga soo sheegay Masar, nin inta xaaskiisa dilay ka dibna meydkeeda gubay kuna aasay meel...

Xasan Iyo Xamze: Maxay Qaban Karaan Maxaase Dhici Karin?

WARKA: Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta codka kalsoonida siiyey si aqlabiyad buuxda ah RW cusub Xamza Cabdi Barre, haddaba su'aasha...

Jeesow Oo Sheegay In Qabiil Noqon Doonta Hadii La Isku Tuurtuura Dilka Ikraan Tahliil

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si carro leh uga hadlay arinta Ikraan Tahliil, waxaa uuna ku celiyey in Ikraan...

Fahad Yaasiin Oo Si Aan La Dareemin U Qirtay Dilkii Ikraan Tahliil !

WARKA: Eedeysanihii ugu weynaa ee loo heystay dilka Ikraan Tahiil Fahad Yaasiin ayaa markii ugu horeysay si bablik ah...

Shiikh Sheegay In Israa’iil Ay Jinni U Isticmaasho Basaasidda Iiraan!

Xujutul-Islaam Naqiya Buurfar oo ah wadaad diimeed ahna ustaad jaamacadeed ayaa Tilifishinka Iiiraan ka sheegay in Israa'iil ay adeegsato...

Maxaa La Sameeyaa Markii Aadan Lacag Heysan?

in aad dareento baahi lacageed waa mushkilad caalami ah waana arin caadi oo dadka oo dhan ku dhacda ugu...