Alle ha -unaxariistee waxa xabsigs dhexe ee magaalada Muqdisho ku geeriyootey haweenay maxbuusada ahayd oo lagu magacaabi jirey Deeqa Diraac, taasi oo ku xukuneed xabsi dhan 15 sano. iyadoo lagu eedeeyey in cunta karinta u qaabilsanay kooxda Al-shabaab.
Marxuumadan ayaa hore loogu eedeeyey in ay cunta karinta u qaabilsanayd ururka Al-shabaab , isla markaana ay gacan siinaysay koox ka tiran Al-shabaab oo toogasha ku dishay sanadkii 2014 gabadh ardayad ahayd oo lagu magacaabi jirey nafisa salaad cabdi, iyadoo ay maxakamadu ku xukuntey xabsi 15 sano
Haweenayda ayaa la sheegay in ay ku geeriyootey Cisbitaal ku yaala xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ay u jiiftey xaalada caafimaad mudooyinkii ugu dambeeyey, waxaana la sheegey in ay u geeriyootey xanuunka macaanka .
Dhanka kale Taliye ku xigeenka Xabsiga dhexe Maxamed Sheekh Cumar ayaa war-baahinta u xaqiijiyey geerida Marxuumad Deeqa Diraac, waxaanu sheegay in ay xanuunka macaanka u geeriyootey.
dhanka kale warbaahinta alshabaab ayaa sheegtay in deeqa diraac ay u geeriyootay Jirdil ay u geysteen ciidanka dowladda.
si kastaba ha ahaate deeqa diraac ayaa ah maamo aad u da, weyn waxa ayna ka soo jeedaa beesha maxamuud Hiraab waana haweeyneydii ugu horreysay oo ku eedeysan xukun noocan ah oo ku geeriyootay xabsigga dowlaada