Warar hoose ayaa sheegaya in Madaxweynaha La doortay ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu damacsan yahay Qorsho yaal uu xilka kaga qaadayo Masuuliyiin ka tirsan Dowladii Xasan sheekh.
In kastoo Farmaajo uusan weli si rasmi ah ula wareegin Xafiiska ayaa haddana waxaa soo baxaya in is bedel Muuqda uu qaadi doono Maalmaha ugu horeeya ee ah marka uu xilka si toos ula wareego iyadoo seefta ay dul saarantahay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen jimcaale.
Xubin ku dhow madaxweynaha oo diiday inaan xigano magacsiisa ayaa inoo sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu damacsan yahay isbedel siyaasadeed iyo mid hogaamin, isagoona balan qaadkiisii siyaasadeed ay qeyb ka ahaayeen.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa ahaa shaqsi si aad ah ugu dhawaa Xasan Sheekh isaga iyo Xubno ka tirsan Maamulkiisa kuwaas oo lagu xasuusto in ay Qeyb ka ahaayeen Olalihii Xasan Sheekh Waday intii diyaar garowga doorashda socotay.
XOG:M. Farmaajo oo qorsheynaayo in uu xilka ka qaado mas,uuliyiin caan ah”aqriso magacyada”
-