Dagaalkii kubiyow oo ahaa Musiibo kale oo markale ku habsatay ciidamada kenya ee soomaliya jooga ayaa waxaa isa soo taraya faafaahino dheeri ah oo laga helaayo goobtii dagaalka tan iyo markii xarakada alshabaab ay baahiyeen muuqaalka dagaalka.
qasaaraha soo gaaray ciidanka kenya ee lagu daawan karo muuqaalka ka sogow waxaa dhankooda alshaabaab ay baahiyeen sawirrada rag ay sheegeen in ay kaga dhinteen dagaalka iyagoo ciwaan kaga dhigay”Shuhadadii dagaalka”.
shabakadda baahisa warar qarsooon ee xaqiiqonews waxa ay soo gudbineysaa sawirro laga soo jaray muuqaalka kulbiyow oo soo bandhigaya xogtii qaar ka mid ahaa dagaalyanahada xarakada oo goobta naftooda ku waayey.
1. Siyaad cabdi bashiir oo xarakada dhaxdeeda looga yaqiinay Xudeyfa waxaa uu ka soo jeedaa beesha Mareexaan gaar ahaan Horaarsame.
2. Maxamed Muse Cali oo xarakada dhexdeeda loogu yeeri jiray ismaciil waxaa uu ka soo jeedaa beesha gaaljecel gaar ahaan Sugoow.
3. mohamud Ahmed Mohamed oo xarakada dhexdeeda caan ku ahaa magaca Cabdi Xakiim waxaa uu ka soo jeeda beesha Isxaaq gaar ahaan arab
4. Mursal adam cumar oo magaciisa xarakada ahaa Macalin Mursal waxaa uu ka soo jeedaa beesha raxamnweyn gaar aah Liksi
5. Cabdikarin cali Siyaad oo xarakada ay ugu yeeri jirtay Samiir isla markaana ahaa Sawir qaade ka tirsanaa Mu,sasada al-kataa,ib una qaabilsanaa duubista dagaalada tooska ah kana soo jeeda beesha Habar gidir gaar ahaan Ceyr
6.Nin magaciisa lagu soo koobay Abu Nasibah Al muhaajiri kana soo jeeda Wadanka Kenya
XOG:Magacyada+beelahooda Raggii Ka tirsanaa Alshabaab ee ku dhintay Dagaalkii kulbiyow
-