[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’rectangle’]
Sida la xaqiijiyey waxaa magaalada baladweyne ku xiran 11 nabaddoon oo dhamaantood ka soo jeeda beesha gaaljecel Hawiye waxaana xirxirataankani ay ka danbeysay ka dib markii guddoomiyaha gobolka hiiran cali Jeyte uu amar ku bixiyey in la soo xirxiro raggan iyagoo loo heystay dil dhawaan ka dhacay degaano hoos yimaado baladweyne.
Magacyada nabadoonada xeran oo ay heshay shabakadda baahisa wararka qarsoon ee xaqiiqonews yaa ah sida hoos ku qoran.
1_ Nabaddoon Islow Rooble Qaasim cabdi
2_Nabaddoon Aadan Cismaan Qarabqarab
3_Nabaddoon Iibow caga dhidid
4_Nabaddon Aadan Cali Qasaay
5_Nabaddoon Aadan Raaxo jecel
6_Nabaddoon Cumar bisle
7_nabaddoon Ibraahom yacquub
8_Nabaddoon Maxamed Cusmaan Farah
9_Nabaddoon Caga weyne
10_nabaddoon Arwaax
11_nabaddon Biri Baaqde
Arinta cajiibka ah ayaa ah In nabaddoonada aan kor ku xusnay oo dhamaantood hal beel ah ay u xiranyihiin shaqsi gaar ah oo lagu magacaabo Amxed Inji oo ah ninka ka danbeeya xirxirtaanka nabaddoonada.
Nin ka soo jeeda beesha Axmed Inji ayaa lagu dilay deegaan hoos yimaada Baladweyne taas oo keentay in rggan la xiro waxaana Axmed Inji uu arintani taageero kaga helay Ciidamada Jabuuti Iyo Ilaalada Gudoomiyaha gobolka Cali jeyte Balse Odayaal Iyo nabaddoono ka Soo jeeda Beesha Gaaljecel Oo La soo xariiray xaqiiqonews ayaa sheegay in ay ugu baaqayaan gudoomiyaha gobolka Hiiran Iyo ciidmada Jabuuti in faraha Kala Baxaan Is qabqabsiyada Ka Dhaxeeya beelaha waxaana Nabaddoon diiday in magaciisa saxaafadda loo adeegsado uu yiri”Adeerow annaga dulqaadkii waa naga dhamaaday Jabuutina horay ayaan digniino u siinay hadey dad wax maqalaayo yihiin arimaha beelaha faraha ha kala bexeen”
Dhacadadani ayaa dadka qaar waxa ay ku doodayaan in ay ka dhigantahay duulaan bareer ah oo lagu qaaday beel gaar ah.
si kastaba ha aahaate waxaa habeenkii labaad xabsi ku hoyanaya 11-ka nabaddoon mana jiraan wax war ah oo ka soo baxay dowladda iyo ciidanka jabuuti oo ku saabsan dhacdadan.
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]