XOG:Sacuudiga Iyo Imaaraatka oo Badalay Magaca Suuratu-Israa Kuna badalay Magac cajiib ah

-

Dr saalax al khaalidi oo bara ka ah kuliyadda shareecada ee jaamacadda Urudun ahna qoraa alifay kutubo diineed ayaa dhawaan ka hadlay hadal lagu faafiyey baraha bulshada oo ku saabsan dhawaan kutubo qur,aani ah oo lagu daabacay Imaaraatka kuwaasi oo isticmaalaya magaca ah”Suuratu-banii isra,il” halkii ay isticmaali lahaayeen Suuru-israa.

Khaalidi ayaa yiri”Dadka aan jeclahayow ogaada xaq ayaan u leeyahay in aan fikirkeyga ka dhiibto moowduucaan.
.. Magacyada Suurudaha qur,aanka waa kuwo Towfiiqi ah(macnaha lagama badali karo magacyada ay wataan) laakin waxaa jiro culimo badan oo iyagoo dadaal sameynaya badalay magacyada qaar taasi wa ay banaantahay lkn hal shardi(waa in magaca cusub uusan noqon mid ka qaalib noqdo magacii hore ee towfiiqiga ahaa).

..Hadaba suurutani waxaa jiro magacyada badan oo ay u bixiyeen culimo Ijtihaadiyiin ah waxaana ugu caansan labada magac ee ah “suurutu- banii-isr,,il ama suuratu Subxaan” waxaan rabaa rabaa in aan halkani idinku baraarujiyo arin muhiim ah oo ah in uusan nabiga SCW waligiis uusan ku magcaabin suuratan Suuratu-banii-isra,il ee dadka magacaasi ugu yeeri jiray waxa ay ahaayeen saxaabada qaar sida Cabdulaahi ibnu Mascud iyo Caas,isha Labada alaha ka raali noqdee.

.. Sidoo kale hadii aan dib ugu laabano taarikhda waxaa jiro khladaad ay galeen Muslimiinta Hindiya iyo Pakistan markii kutubadooda masaaxifta ay iska jareen magacii towfiiqiga ah iyagoo isticmaalay Suuratu banii-isra,il taasi hadda ama ahn waa qarniyo ka hor waxa aan ka hadlayo.

.. sidaasi si la mid ah waxaa isla qaladkii ku dhacay Majmaca Boqor Fahad markii kutabadii ay u daabacayeen Hindiya iyo Pakistan ay ku qoreen magaca ah Suuratu banii-isra,il halkii ay qori lahaayeen magacii towfiiqiga ahaa ee Suuratu-israa aniga oo aan difaaceyn imaaraatka waxaan idinka sheegayaa in Imaaraatka oo kaliya aysan aheyn dadka khaladkani galay ee arintani waa khalad dhacay sanado ka hor oo dib u soo laabtay mana wanaagsana in magaca towfiiqiga laga tago oo lagu badalo magacyo Ijtihaadi ah

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...