Xogta..Dhismaha Caadka Galaya Ee Xamar Lagu Daahfuray

La Wadaag Asxaabtaada

Shirkadda Dahabshiil ayaa dhawaan daahfurtay dhismaha “Dahab” oo sida la filaayo noqon doono mid ka mid ah dhismooyinka ugu dhaadheer Geeska Afrika.


XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA

Shirkadda Dahabshiil oo iyadu leh qorshaha dhismaha ayaa sheegtay in daartani ay noqon doonto goob laga dukaameysto, dhismayaal la dago, maqaayado iyo hoteelo casri ah.

Guddoomiye ku xigeenka shirkadda Dahabshiil Saciid Maxamuud Sacid ayaa BBc-da u sheegay in daartani ay ka koobnaan doonto 32 dabaq, 25 dabaq oo qeybta sare ah iyo 7 dabaq oo dhulka hoostiisa ah.

Sidoo Kale Aqri: Isbitaalka Ceelcali Waxa Uu Ka Weynyahay Degmo xamar Ku Taal!

Daartani oo sida la sheegay dhismaheeda qaadan doono muddo dhan 3 sano, ayaa la filayaa in ay noqoto tan ugu dheer Soomaaliya iyo mid ka mid ah dhismooyinka ugu dheer geeska Afrika.

Dhismahani ayaa dhirir ahaan noqon doono 328 feet ama wax ka badan 100 meter, taasi oo ka dhigeysa in uu noqdo dhismihii ugu horeeyey ee caadka gala(Skyscraper) oo Soomaaliya laga dhisa.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada