Xogta Iyo Qabiilada.. Madaxda Al-Shabaab ee Xayiraadda La Saaray

La Wadaag Asxaabtaada

Golaha Amaanka ee qaramada midoobay ayaa xayiraad dul dhigay seddex ka tirsan madaxda sare ee Al-shabaab kuwaasi oo kale ah: Abuukar Cali Aadan, Mahad Karataay iyo nin magaciisa lagu soo gaabiyey Macalin Ayman.


XAQIIQO NEWS- WARKA GUDAHA

Golaha ammaanka ee QM ayaa xayiraad dhaqaale iyo mid dhanka socodka ah saaray madaxdan sare ee Al-shabaab ka tirsan.

Mahad Karataay

karataay ayaa magaciisu saxda ah yahay Cabdiraxmaan Axmed Warsame waxa uuna ahaa gacanta midig ee hogaamiyihii geeriyooday ee Al-shabaab Mukhtaar Abu zubeyr.

Mahad Karataay oo Mareykanka horay u dul dhigay lacag dhan 3 Milyan oo doolar ayaa ka mid ahaa hogaamiyihiishii ugu horeeyey ee Al-shabaab isaga oo qabiil ahaan ka soo jeeda jufada Ceyr ee beesha Habar Gidir.

Sidoo kale Aqri: Sawirro..Al-shabaab U Isticmaalay Weerarkii Manda Bay

Xaqiiqonews ayaa ogaatay in Karataay ay qaraabo dhow ahaayeen hogaamiyihii geeriyooday Macalin Aadan Xaashi Ceyrow.

Abuukar Cali Aadan 

Al-shabaab dhaxdeeda waxaa looga yaqaanaa “sh Abuukar”, waxa uuna soo noqday waaliga wilaayada gobolka Hiiraan sanadkii 2011 , isaga oo markaasi ka dib Al-shabaab ay u magacaabeen waaligii wilaayada jubbooyinka.

Sh. abuukar waxa uu ka soo jeeda jufada Xaaji Saalax, Abitsame ee beesha Gaaljecel, sida ay xogta sheegeyso Abuukar ayaa ah ninka loo diyaarinaayo in uu noqdo hogaamiyaha Al-shabaab madaama uu xanuunsan yahay amiirka guud ee kooxda Abuu cubeyda, Abuukar ayaa hadda kooxda ugu magacaaban amiirka labaad ee xarakkada iyo madaxda Jabhadda ee kooxda.

Macalin Ayman.

Inkastoo xogta laga haayo macalin Ayman ay tahay mid xadidan , Xaqiiqonews waxa ay aaminsan tahay in Macalin Ayman uu ka mid yahay kooxda loo yaqaan “Muhaajiriinta”, kaasi oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Kenya gaar ahaan gobolka xeebta.

Wasaaradda arimaha dibadda Mareykanka waxa ay sheegtay in ay rumeysanyihiin in Macalin Ayman uu qeyb ka lahaa qorshihii weerarkii Manda Bay, weerarkaasi oo lagu dilay askar Mareykanka ah laguna burburiyey lix diyaaradood oo kuwa millatariga isticmaalo ah.

Macalin Ayman ayaa hadda ah ninka ugu sareeya ee gacanta ku haaya ciidanka loo yaqaan “Jeysh Ayman” kuwaasi weeraro ka fuliya gudaha Kenya.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada