Warar hoose ayaa sheegaya in Soomaaliya ay ku biirtay liiska dalalka doonaya in helaan diyaaraha darooniska ee Tukriga Sameeya.
XAQIIQO NEWS- Wararka Gudaha
Sida ay baahiyeen warbaahino gudaha Soomaaliya ka shaqeeyo iyo kuwa Turki ah Soomaaliya ayaa heshay tiro aan la cayimin oo darooniska Turkiga sameeya gaar ahaan nooca loo yaqaan Beyraqdaar TB2.
Xogta aan helnay waxa ay sheegeysaa in diyaaradahan Soomaaliya la siiyey aysan awoodin in ay xambaaraan gantaal, waxaana loo isticmaali doonaa oo kaliya sirdoonka iyo goormeerada millatari- sida laga soo xigtay ilo milatari oo lagu kalsoonaan karo.
Wararkan oo si hoose loo baahiyey,ayaa imaanaya bil ka dib markii internetka lagu baahiyey sawirada diyaarado daroonis ah kuwaas oo la sheegay in Turkiga laga keenaya, hase ahaatee Df-ka ayaa ku dooday in waddanka ay ku soo galeen qaab sharci darro ah.
Horaantii sanadkan ilo turki ah ayaa warbaahinta ku baahiyey sawirrada saraakiil Soomaali ah kuwaasi oo ku tababaranaya daroonta TB2.


Daroonta TB2 ayaa caanimo badan shaqeysatay ka dib howlgallo guul leh oo ay ka fulisay Liibiya, Azerbaijani iyo dagaalka Suuriya.
Waddamada TB2 horay u helay waxaa ka mid ah Azerbaijan, Marooko, Liibiya iyo Poland, halka Itoobiya iyo Pakistaan ay ka mid yihiin wadamada doonaya in ay dhawaan helaan.