XOG:Waa Maxay Sababta uusan Erdogan u hilmaami doonin Xasan Sh Maxamuud?

-

Madaxweynaha dalka Turkey Rajab Dayip Erdogan ayaa shaaca ka qaaday inuu asxaan weyn u hayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud.
Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo ay si wada jir ah uqabteen madaxweyne Farmaajo ayuu Erdogan sheegay  in xiligii uu fashilmayay inqilaabkii ka dhacay dalkiisa uu hiilo iyo taageero ka helay dowladii Xasan Sh iyo shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Ordogan ayaa yiri: “ Maxaweynihii waqtigiisa dhamaaday Xasan Shiikh Maxamuud, taleefoonka ayu iga soo wacay markii in qilaabka la isku dayey, wuxuu nooga tacsiyeeyey dadkii naga shahiiday, sidoo kalana Shacabka Soomaaliyeed waxay alle nooga baryeen inuu inqilaabka Fashilmom , midaasna waa abaal weyn oo aan u haleyno Soomaaliya” .
Taas badalkeeda, Ordogan ayaa  ballan qaaday heshiisyo cusub oo dhinacyada beeraha iyo xoolaha ay la saxiixaan doonaan Soomaaliya, wuxuuna tilmamay  madaxweynaha Turkiga in madaxweynaha Soomaaliya marka uu booqanayo Turkiga uu joogo gurigiisa labaad, taasoo muujineyso halka Soomaaliya ka joogto Madaxweynaha Turkiga.
Si kastaba, madaxwweyne Farmaajo oo sedex maalin oo booqasho ah ku qaadanaya dalka Turkey ayaa heshiisyo waa weyn la galay madaxweynaha dalkaas.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...