XOG:xildhibaano iyo saraakiil hore oo lagu dilay weerarkii maanta Hotel weheliye#aqriso magacyada

-

Xarakada Al Shabaab ayaa Faah Faahin dheeri ah ka bixisay weerarkii xooganaa ee maanta lagu qaaday Hoteelka Wehliye ee bartamaha magaalada Caasimadad ah ee Muqdisho.

Warbaahinta rasmiga ah ee Afka Xarakada ku hadasha ayaa sheegtay in saraakiil ciidan iyo xildhibaano horay uga tirsanaa Baarlamaanka DF-ka lagu dilay qaraxii maanta.

Qaraxan oo ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lagu beegsaday meel ay isugu yimaadaan mas’uuliyiinta iyo saraakiisha DF-ka Soomaaliya oo ku taalla ka soo horjeedka Hotelka Weheliye ee magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan 30 ruux oo ay ku jiraan saraakiil sarsare ayaa la xaqiijiyey in lagu dilay qaraxaas, sidoo kalena lagu dhaawacay ugu yaraan 40 kale.

Saraakiisha ku dhintay qaraxan waxaa ka mid ah:-

1-Jenraal ka tirsan hay’adda Sirdoonka dowladda Federaalka ‘Nabad sugidda’ oo lagu magacaabo Maxamed C/Raxmaan.

2-Korneel lagu magacaabo Nuur Saafi oo isna ka mid ahaa saraakiisha Sirdoonka ah.

3-Nin kale oo lagu magacaabo Korneel Cumar Maxamuud oo ka mid ahaa ciidamada military-ga dowladda Federaalka.

4- Nin magaciisa lagu soo koobay Nuur Kuuloow oo ka mid ah shaqaalaha Golaha baarlamaanka ayaa sidoo kale dhaawac halis ah ku noqday qaraxaas.

Xildhibaano Hore oo lagu dilay Qaraxii Hoteel Wehliye

Ex-Xildhibaan Xasan Cumar ayaa sidoo kale ka mid ahaa dadka lagu dilay qaraxa.
Ex-Xildhibaan Maxamed Nuur ayaa isna ka mid ahaa dadka lagu dilay Qaraxa.
Ex-Xildhibaan Cabdullaahi Leesto oo sidoo kale ah Sarkaal ka tirsan Sirdoonkadowladda ayaa isna dhaawac halis ah ku noqday qaraxa.

Cabdullaahi leesto ayaa ah nin ay in muddo ah doon-doonayeen Ciidamada shabaabka kuna lug lahaa duqeyntii lagu dilay Sheekh Sahal Camow oo horaantii sanadkii 2014-ka diyaaradaha Mareykanka ay ku beegsadeen Sh/hoose ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay qaraxii Hoteel Wehliye.

Leesto ayaa xiriir dhow lalahaa sirdoonada caalamiga ah ee wadamada reer galbeedka gaar ahaan Mareykanka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamo farabadan oo ilaala u ahaa saraakiisha ladilay ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaraxii maanta oo kamid noqonaya qaraxyadii ugu weynaa ee ka dhaca wadada Makka Al Mukaramah.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...