WARARKAXOG:Xildhibaano ka soo jeeda beesha Muddolood oo dhabarjebin ku...

XOG:Xildhibaano ka soo jeeda beesha Muddolood oo dhabarjebin ku wado farmaajo#aqriso magacyada

-

Beesha Mudulood oo 8-dii sano ee la soo dhaafay Hogaanka dalka heysa balse 8-February 2017 looga guuleystay Xilka Madaxweyanah Soomaaliya si lama filaan ahna uu ugu soo baxay Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa wadda Qorsho dhabar jabin ah.
Beesha Abgaal ayaa rajeyneysay in la siin doono xilka Ra’iisul wasaaraha madaama ay soo noqdeen Dowladd kunool laakiin Farmaajo ayaa u weeciyay dhanka beesha Murusade taas oo ka yaabisay Mudulood kuna qasabtay in ay bilaabaan olole lagu hagal daacinayo Dowlada.
Xildhibaanada kala Ah Cadow Cali Gees iyo C/qaadir Cosble cali ayaa abaabulaya Qorsho kastaa oo lagu dhabar jebinayo Farmaajo sida aan xogta ku helnay kadib markii uu balan uu ka qaaday uga baxay oo aheyd in Beeshooda uusan dhaafin Xilka Ra’isul wasaaraha.
Labadan Siyaasi ahna Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka oo kaa shanaya Ganacsato iyo siyaasiyiinkale oo isku beel ay ka soo wada jeedaan ayaa wada qorsho dib loogu furayo Dekadda Ceel-Macaan ee duleedka Muqdisho.
Ujeedka ayaa ah in ay rabaan qarashka uu Farmajo ku xisaabtamaayo ee Dakadda Muqdisho u wareejiyaan Ceel-Macaan oo ay gaarigii $2500 lagu canshuuri jiray Dakadda Muqdisho ay $1000 dollar ka dhigaan taas oo caqabad ku noqon doonta Farmaajo.
Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu arintaan dhowaan ka war helay markii madaxweynaha Hirshabeele la geeyay Dakadda Ceel-macaan laakiin waxaa la lee yahay waxaa aad u yar waxa uu arinkaan ka qaban karo Maadaama Maamulkastaa deegaanadiisa u madax banaan yahay
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]

Wararka U Dambeeyey

Qadar Oo Ka Niyad Jabsan Sida Mareykanka Uga Aamusanyahay Dalabkeedii Beeca Diyaaraha

Sida ay daabacday majaladda "Wall Street Journal" ee Ameerikaanka ah dowladda yar ee gacan carbeed dhacda Qadar ayaa ka...

Falanqeyn..Icj Waxa Ay Sameysay Xal Mise Xaq

Maxakmadda cadaaladda QM ayaa go'aan ka soo saartay muran badeedka Soomaaliya iyo Kenya, go'aanka Maxkmadda ayaana ahaa mid...

Maxaa Dhici Kara Go’aanka Icj Ka Dib?

Sida balantu tahay go'aanka maxkamadda Icj ee ku saabsan muran Somaaliya iyo Kenya ayaa lagu dhawaaqi doonaa maalinta taladaada...

Imaaraatka Oo Iktishaaf Cusub Ku Sameeyey Meeraha Mars

Madax sare oo ka tirsan dowladda Imaaraatka ayaa baraha bulshada ku baahiyey iktishaafaat cusub oo Misbaarka Rajada ee Imaaraatka...

Safiirka Sacuudiga Ee Soomaaliya Waa Soomaali!

Dowladda Sacuudiga ayaa safiirkeeda Soomaaliya u magacaawday Axmed Maxamed Oo ka mid ahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed Ee Sacuudiga ku nool. XAQIIQO...

Maxaa Keenay In Waqtigan Radio Muqdisho Af-Taliyaani Lagu Baahiyo?

Markii ugu horeysay muddo sano ka dib, idaacadda dowladda ay leedahay ee Radio Muqdisho ayaa lagu tabin doonaa af-Taliyaani...