WARARKAXOG:Yaa Badalaayo Farmaajo? Kulan Arintaasi Looga hadlay oo uu...

XOG:Yaa Badalaayo Farmaajo? Kulan Arintaasi Looga hadlay oo uu Xasan sheikh ka qeyb galay

-

Ilaa 21 Siyaasi oo ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore ee DFS, Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee Galmudug, C/kariim Xuseen Guuleed iyo Faarax Sheekh C/qaadir ayaa lagu soo waramay inuu Kulan Siyaasadeed uga furmay Caasimadda dalka Turkiga ee Ankara.

Ilo ku dhowdhow Kulankaasi ayaa sheegay inay Siyaasiyiinta Kooxda Qabyo ka wada hadlayaan Qorshadooda Siyaasadeed ee Mustaqbalka iyo Falaanqeyn lagu mucaaradayo DFS iyo sidii loo minjixaabin lahaa Dowladda Farmaajo.

Wasiiro hore iyo Xildhibaano ka tirsan BFS, oo maalmihii la soo dhaafay ka dhoofay Muqdisho ayaa lagu soo waramay inay ka qeyb galayaan Kulan Siyaasadeedka ka furmay magaalladda Ankara, kuwaasi oo ay ka mid yihiin: Wasiiradii hore ee Amniga, Arrimaha Gudaha, Wasiiru-dowlihii Madaxtooyadda, Agaasimihii iyo Ku-xigeenkii hore ee Madaxtooyadda ee Dowladdii Xasan Sheekh, kuwaasi oo haatan dhamaantooda ah Xildhibaano.

Sidoo kale, Kulankaasi ayaa la sheegay in lagu dejin doono Istaraatijiyadda Siyaasiyiinta Qabyo ee Fursadaha Doorashadda soo socoto, inkastoo ay Siyaasiyiintaasi ku kala qeybsan yihiin Murashax ay ku mideysan yihiin.

Madaxweynihii hore ee DFS, Xasan Sheekh ayaa doonaya inuu isagu noqdo Murashax Madaxweyne, balse xubno kale ayaa ku taliyey in Xubin Cusub lagu tijaabiyo Doorashada soo socota.

Si kastaba ha ahaatee. Shirka Siyaasiyiinta Kooxda Qabyo uga socda magaalladda Ankara ayaa ah Kulan-siyaadeedkii ugu ballaarnaa oo ay yeeshaan tan iyo markii Xasan Sheekh looga guuleystay Doorashadii Madaxtinimadda ee dhacday bishii Feberaayo 8-dii ee sannadkan, taasi oo uu ku guuleystay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Wararka U Dambeeyey

Qadar Oo Ka Niyad Jabsan Sida Mareykanka Uga Aamusanyahay Dalabkeedii Beeca Diyaaraha

Sida ay daabacday majaladda "Wall Street Journal" ee Ameerikaanka ah dowladda yar ee gacan carbeed dhacda Qadar ayaa ka...

Falanqeyn..Icj Waxa Ay Sameysay Xal Mise Xaq

Maxakmadda cadaaladda QM ayaa go'aan ka soo saartay muran badeedka Soomaaliya iyo Kenya, go'aanka Maxkmadda ayaana ahaa mid...

Maxaa Dhici Kara Go’aanka Icj Ka Dib?

Sida balantu tahay go'aanka maxkamadda Icj ee ku saabsan muran Somaaliya iyo Kenya ayaa lagu dhawaaqi doonaa maalinta taladaada...

Imaaraatka Oo Iktishaaf Cusub Ku Sameeyey Meeraha Mars

Madax sare oo ka tirsan dowladda Imaaraatka ayaa baraha bulshada ku baahiyey iktishaafaat cusub oo Misbaarka Rajada ee Imaaraatka...

Safiirka Sacuudiga Ee Soomaaliya Waa Soomaali!

Dowladda Sacuudiga ayaa safiirkeeda Soomaaliya u magacaawday Axmed Maxamed Oo ka mid ahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed Ee Sacuudiga ku nool. XAQIIQO...

Maxaa Keenay In Waqtigan Radio Muqdisho Af-Taliyaani Lagu Baahiyo?

Markii ugu horeysay muddo sano ka dib, idaacadda dowladda ay leedahay ee Radio Muqdisho ayaa lagu tabin doonaa af-Taliyaani...