XOORAANSI:Abu Manoor Labo Xasan Midkee ayuu Raacayaa ?#Falanqeyn Xasaasi ah

-

Dolwadda soomaaliya ma ahan markii ugu horreysay ee ay martegeliso dhacda noocaan ah waxaa horay gacanta u soo Galay Rag badan waxaana ugu waaweynaa Xasan Daahir aweys, xasan xanafi Iyo saciid atom oo hogaamiya u ahaa Shabaabka galgala Iyo sidoo kale Zakariye oo ka tirsanaa Sirdoonkii alshabaab.

Balse marka la fiiriyo qaabkii ay ula dhaqantay dadkii hore waxaa soo baxay dhaliilo fara badan oo mugdi geliyey ku kalsoonaashaha Dolwadda waxaa la xasuustaa in dowladda Balantii ay ugu baxday Xasan daahir Aweys oo ay kula heshiisay in qadar loo qaadi doono hadii uu is soo dhiibo sidoo kale Dowladda ay Xukun dil ku xakuntay Xasan Xanafi balse badalkeeda waxa ay dowladda shaqaaleysiisay Zakariye taasi oo mugdi badan Gelisay kalsoonida dadka ka soo goosanaya alshabaab oo ay tahay in ay inta aysan dowladda soo aadin ka hor is weydiiyaan su,aala badan oo ay ugu horreysa qofka in uu si weydiiyo qabiilkaada intee in la eg ayey saameyn ku leeyihiin dowladda?

Si kastaba ha ahaatee Robow oo raxanweyn Leesaan ah ayaa la filayaa in uu Raaco wadadii labo xasan Midkood oo kala ah
1_Xasan daahir Aweys: hadii uu Roobow maro wadadii Xasan daahir aweys waxa ay ku noqon doontaa dhibaato sababtoo ah dowladdu waxa ay hordhigi doontaa Labo arin midkood.
marka kowaad: waxa ay ka dalban doontaa in uu meel fagaaro ah ama warbaahinta horteeda ka qirto in wixii uu ku soo jiray mudada intaasi la eg in ay ahaayeen danbi taasi oo ku cuslaan doontaa wadaadka.
Waa marka labaad: hadii uu diido in sidaasi qirto waxa ay dowladu gelin doontaa xabsi Guri aintaasi oo iyadana aan wax badan ka wanaagsaneen Duurkii uu in muddo ah ku noolaa.

2_Xasan Xanafi: Cadaadis badan oo dowladdu kaga imaanaya Rag dhibanayaal u ah Alshabaab ayaa ah in La toogto Roobow taasi oo ah wadadii uu maray xasan xanafi arintaasi oo ah tan saameynta ugu badan yeelan doonto waxaana dad badan ay Xiiseynayaan qaabka dowladu ula tacaamuli doonto afhayeenkii Hore ee alshabaab sheikh Mukhtaar Robow abu-mansuur oo hadda ku sugan guriga habar Khadiija ee Magaalada muqdisho.

WIXII KU SOO KORDHA RIMAHAN IYO XOGAHA HOOSE KALA SOCO HALKAN XAQIIQONEWS

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...