Xumaanta Oo Aad Joojiso Ayaa Ka Fiican Sameynta Wax Wanaagsan!

La Wadaag Asxaabtaada

Inta aadan ku fikirin waxyaabaha wanaagsan oo dhan tusaale in aad lacag yeelato, in aad caan noqoto, in aad riyadaada rumeyso, isku day in aad joojiso caadooyinka xun xun ee aad sameyo maalin walbo.


Xaqiiqonews-Horumarinta-nafta

Kaliya in aad qaamuuskaada ka saarto fikradahan soo socdo ee dadka u diida in ay horumar sameeyaan, waxa aad noqon kartaa qof diyaarsan oo naftiisa gaarsiiya heer ka duwan tii uu taagnaa

  • Waa in aadan is qiimo tirin oo aadan isku arkin qof hooseeya
  • Waa in aad iska joojisaa soo celcelinta qaladaadkii horay kaga dhacay
  • Waa in aad joojisaa ka argoosiga qofkii ku dulmiya
  • Ha dhihin “haye” Adiga oo rabo in aad dhahdo “maya”
  • Ha faragishan nolasha dadka kale adiga oo ku marmarsiyoonaya “wan waaninayaa”.
  • Ha isku dayin in aad iska dhig dhigto qof kale
  • Waligaa naftaada been ha kula sheegeysan
  • Ha isku dayin in aad dadka ku qasabto in ay ku ixtiraamaan adiga oo adeegsanaya lacag, magac ama qabiil
  • Ha isku dayin in aad noqoto qof dhameystiran (dhameystirnaan alle unbey u sugnaatay)
  • Shaqadaad dib ha u dhigin ilaa waqti aad firaaqo hesho
  • Naftaada ka saar, tartan, xaasidnimo iyo maseer
  • Dad kale ha hagaajin naftaada hagaaji
  • Ha aaminin in bulshada meel xun ku socoto (ninkii dadka balaayo u sheega isaga ayaa balayaada keenay)
  • Ha isku maleynin qof caqli badan oo fikraddu uu haayo aysan ku soo dhaceynin dad kale.
  • Ha ka walwalin wax aanadan wali gaarin (buundo markii la gaara ayaa la gudbaa)
FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada