Sarkaal Xuutiyiinta u qaabilsan shidaalka iyo macdanta ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegey in Soomaaliya ay gacanta la gashay laba baloog oo shidaal ah oo dhaca jasiiradda lagu muransan yahay ee Soqotra.
XAQIIQO NEWS- WARARKA
Axmed Daaris oo ururka Xuutiyiinta ugu magacaaban wasiirka shidaalka iyo macdanta ayaa ku eedeeyey Soomaaliya waxa uu ku tilmaamay “faragelinta madax banaanida Yemen”.
Isaga oo wariyaasha kula hadlaayey caasimadda Yemen ee Sancaa ayuu Daaris tilmaamay in Soomaaliya ay sheegato labo baloog oo dhaca jasiiradda Soqotra, sida uu hadalka u dhigay.
Intii aan garaneyn Soqotra waa jasiirad dhacda meel 250 mile kaga aadan bariga Soomaaliya, waxaana la tilmaamaa in Soomaaliya ay tahay dalka ugu dhow Jasiiradda. Sidoo kale Soqotra ayaa dhinaca koonfur kaga beegan koonfurta Yemen
Jasiiraddan oo hadda ay gacanta ku haayaan ciidamo ka socda Imaaraatka ayaa ah meel lagu muransanyahay waxaana sheegta mid kasta oo ka mid ah Soomaaliya iyo Yemen.