Yaa Amray Uhuru In Uu Farmaajo La Heshiiyo?

La Wadaag Asxaabtaada

Uhuru Kenyatta ayaa cadaadis kala kulmaya beesha caalamka iyo midowga Yurub, si uu heshiish ula gaaro madaxweynaha waqtigiisa sii dhamaanaya ee Soomaaliya mudane Maxamed cabdullaahi Farmaajo.


XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA

Sida Xaqiiqonews ay ka soo xigatay webseetka Africaintelligence, Uhuru iyo Farmaajo ayaa cadaadis kala kulmaya beesha caalamka si loo soo afjara murunka labada dal ee deriska ah.

Africaintelligence, waxa uu xusay si gaar ah Mareykanka, Biritan iyo diblomaasiyiin Yurub ah kuwaasi oo cadaadinaya Madaxweynaha Kenya si uu ula heshiiyo dhiggiisa Farmaajo, madaama ay Soomaaliya ay galeyso xaalad doorasho oo uu Webseetka ku tilmaamay “arin xasaasi ah”.

Sidoo Kale Aqri:Axmed Madoobe Oo Gacanta Ka Shuminaya Uhuru Kenyatta!

Uhuru ayaa lagu waday in uu qaadaco shir ay codsatay Soomaaliya kaasi oo lagu qabanaayo Jabuuti, balse amar ka yimid safiirka Mareykanka ee Nayroobi Kyle McCarter, iyo madaxa guud ee Afrikom Stephen Townsend,kuwaasi oo Kenyatta kulan la qaatay 15-ka bishan ayaa ku cadaadiyey in uu ka qeybgalo shirka.

Labada Madaxweyne Uhuru iyo Farmaajo ayaa maanta oo Axad ah ka qeyb galay shir aan caadi aheyn oo Madaxda IGAD ugu farmay Jabuuti, wararka ayaa sheegaya in shirkaasi xoogga lagu saaray muranka Soomaaliya iyo Kenya, iyo sidoo kale dagaalada ka aloosan Itoobiya.

Df-ka Soomaaliya ayaa dhawaan soo saartay warqad digniin ah oo ku sheegeysa in ay qaadi doonto tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo ilaaliyo madaxbanaanida iyo karaamada dadka iyo dhulka Soomaaliya.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada