Yaa Badalaya Xasan Cali Kheyre?

-

Waa waxa aan dhici karin in aan sii sheegno magaca RW soo socda,sababtoo ah ma ogin niyadda madaxtooyada, laakiin waa macquul in aan sheegno tilmaamaha uu yeelan doono RW, madaama aan ka dharagsanahay siyaasadda Farmaajo.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Markii ugu Horeysay…

Ninkani aan ka hadleynaa waa Farmaajo, waxaa uu aad u jecelyahay erayga ah “markii ugu horeysay”, hadii aad dib u xasuusato magacaabista Kheyre, waxaa loo magacaabay xilka, meel kale ha u raadinin waxa aheyd markii ugu horeysay ee qof Mursade ah (jufada Kheyre), uu xilkaas qabto.

Hadda,kalsoonida aan u haayo jaceylka uu Farmaajo u qabo kalmadda “Markii ugu horeysay” darteed waxaan qiyaasayaa in RW soo socda uu yeelan doono sifada ah “markii ugu horeysay”.

Farmaajo isaga ayaa ismagacaabi doono

Farmaajo laftiisa macquul ma ahan in uu is magacaabo, maxaa yeelay labada xil iskuma heyno karo, tan kale saami qeybsiga qabiilka ayaa diidaya in uu xilkaasi isaga isku magacaabo, lamase dhayalsano karo niyadda Farmaajo oo mar walbo iska jecel in uu ushiisa u dhiibto qof uu ka qaadan karo.

Sidoo Kale Aqri..Xilka Ayaa Laga Qaadau Ra’iisal Wasaarihii Qaran Dumiska Aha!!

Kuma dhahayo Faramaajo ayaa noqonaayo ra’iisal wasaaraha, meel ku qora RW soo socda (hadiiba La magacaabo , in aan la magacaabin ayaa dhici karta) waxaa noqon doono qof uu ka dhax hadli doono Farmaajo.

Ra’iisal wasaaraha cusub waa ra’iisal wasaare la’aan

Arintani waa suuragal, waan kugu celinayaa waxaa suuragal ah in Farmaajo uusan magacaabin ra’iisal wasaare cusub, tusaale aan u soo qaadano labo sabab oo arintani xoojineysa, marka hore arinta waxaa xoojinaya waa waqtiga oo aad u yar, iyo tan kale oo ah farmaajo laftiisa oo iska jecel markii ugu horeysay sidaa darteed hadii ku simaha ra’iisal wasaaraha xilka dhameysto waxa ay noqoneysaa markii ugu horeeyey ee qof ka soo jeeda gobolada waqooyi uu haayo xilka RW muddo lix bilood ah.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...