Yaa dilay Wasiirka Caawa Fiidkii lagu dilay Muqdisho#aqriso xog dhameystiran

-

Ciidan Hubeysan ayaa caawa fiidkii agagaarka madaxtooyada magaalada Muqdisho ku dilay wasiirkii howllaha guud iyo dib u dhiska DF-ka.
Warar soo baxay waxay sheegayaan in ciidamada Koofiya casta loo yaqaan ay dilka geysteen inkastoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan sababta loo dilay wasiirkii howllaha guud iyo dib udhiska.
Cabaas Cabdullaahi Siraaji ayaa la xaqiijiyay in ay toogteen ciidamada ilaalada ka haaya madaxtooyada, wasiirka ayaa la xaqiijiyay in isla goobta uu ku dhintay.
Waa wasiirkii ugu horreeyay oo Muqdisho lagu dilo tan iyo markii madaxweyne loo doortay Max’med Cabdullaahi Farmaajo.
Taariikh nololeedka wasiir siraaji
Xildhibaan Cabaas Cabdullahi Sheekh Siraaji oo ahaa Wasiirka Howlaha Guud & Dib-u- Dhiska Xukuumadda Soomaliya oo caawa lagu dilay Magaalada muqdisho waxaa uu u dhashay beelaha Digil iyo Mirifle.
AUN Marxuumka Waxaa uu dhashay sandkii 1986-dii in ka badan 20 sano waxaa uu ku noolaa xeryaha qaxootiga ee Kenya sida Xerada IFO.
Waxbarashadiisa dugsi sare ayuu uga baxay school ku yaalla isla xeradda IFO, shahaadada koowaad waxaa uu diyaariyay Cilmiga Computer-ka Jaamacadda Nairobi ee dalka Kenya.
Marxuumka AUN waxaa uu ka mid noqday xildhibaannadii lagu soo doortay magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubba-land.
Bishii march ee la soo dhaafnay ee sanadkaan 2017-ka ayuu R/wasaare Xasan Cali Kheyre u magacaabay Wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska Xukuumadda federaalka Soomaliy.
Wasiir Siraaji waxa uu ahaa sidoo kale wasiirkii ugu dhalinta yaraa Wasiiradda Xukuumadda Soomaliya.

Wararka U Dambeeyey

NASA Oo Dooneysa In Ay Kowkab Qarxiso..Dhagaxii Qiyaamaha Miyaa Soo Dhow?

NASA ayaa isku diyaarineysa in ay markab-xiddigeed si kas ah ugu dhufato kowkab, si tababar ahaan ah, iyada oo...

Ma Wanaagsantahay In Aad Mar Walbo Ahaato Qof Wanaagsan?

Dadka badankood waa ay ku jeclaan doonaan marka aad tahay "qof wanaagsan" laakiin xisaabta ku darsa mararka qaar in...

Mahadnaq..Dulmiga Ikraan Tahliil !

Ka dib muddo dhan 5 bilood oo kiiska Ikraan Tahliil uu soo taagnaa, sidee u aragtaa aqriste in aan...

Faafaahin..Wariye Cabdi Casiis Afrika Oo U Geeriyooday Dhaawac

Wariyaha caanka ah Cabdi Casiis Afrika oo sidoo kale ahaa agaasimaha raadiyaha afka dowladda ku hadla ee "radio Muqdisho"...

Dhagaxii Ceel Cali Waxa Uu Dhulka Ku Soo dhacay 50,000 Sano Ka Hor!

Sida ay lagu ogaaday baritaano ay si wada jir ah u fuliyeen jaamacadda almaas ee magaalada Muqdisho iyo baarayaal...

Qof Walbo Waxa Uu Cadaalad U Raadinayaa Ikraan Tahlill Marka Laga Reebo Farmaajo

La taliyihii hore amniga ee Farmaajo, Xuseen Cali oo hadda madax ka ah machadka daraasaadka ee Hiraal ayaa sheegay...