Yaa Ku Badan Karoona Fayrus ..Dadka Dheer mise kuwa Gaaban?

La Wadaag Asxaabtaada

Cilmi baaris cusub oo ay sameysay Biritan ayaa lagu ogaaday in dadka dharerkoodu ka badanyahay 1.82 mitir, ay yihiin kuwa ugu badan ee uu ku dhici karo Karoona Fayrus marka loo barbardhigo kuwa gaagaaban.


Xaqiiqonews-Caafimaad

Daraasadda ayaa waxaa fuliyey cilmi baarayaal ka kala socday jaamacadaha Manchester iyo “The open”, daraasadda ayaa waxaa ka qeyb galay 2000 oo qof oo ku kala nool Biritan iyo Mareykanka.

Daraasadda ayaa aruurisay macluumaadka dadka sida shaqada, waxyaabaha uu qofka qabto, sida uu qofka u egyahay, kuwaasi oo saameyn ku yeelan kara qofka, natiijda ayaa noqotay in dadka dhaadheer ay u nugul yihiin fayruska Karoona.

Sidoo Kale Aqri..Ma dhab baa in Dumarka Ka Cimri Dheeryihiin Ragga?

Cilmi baarayaasha ayaa sheegay in fayruska uusan ku faafin dhibcaha oo kaliya, waxa ay xuseen fayruska in uu aad ugu faafo unugyo yar yar oo hawada ah kuwaasi oo loo yaqaan ‘aerosol transmission”,

Saynisyahanada ayaa natiijada ku yiri “qofka dheer ee dhirirkiisu ka sareeyo 6ft waxaa laba jibaarmaya suurtagalnimada uu ku qaadi karo covid-19.

Inkastoo daraasaddani ay tahay tan kaliya ee xaqiijisay in dadka dheer ay kaga halis badan yihiin Karoona kuwa gaaban, haddana khubarada ayaa ku dooday in sababtu aysan wili cadeyn.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada